shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maryan Mursal: Alshabaab inay qabuuraha faagaan anigaa u diray si ay iigu soo helaan Furihii….Wareysi Xiisoleh!

(London, Oct 11, 2011 Ceegaag Online)

Fanaanada Caanka ah Maryan Mursal oo bixisay wareeysi xiiso badan kaas oo ay kaga hadleeyso xaalada Somalia iyo maanta halka ay mareeyso ayaa waxey ka sheekeyneysaa fanaanada Kooxaha isku haya Siyaasada Dalka Somalia.

Maryan Mursal ayaa ka hadashay Maamul Goboleedyada iyo Guud ahaan Xalka Somalia sida ay u aragto iyadoo bixisay Jawaabo la yaab leh oo qosol badan, Su’aal laga weydiiyay Kooxda alshabaab iyo sida ay u aragto qabuuro faagistooda waxey ka bixisay Jawaab layaab leh iyadoo tidhi

 “Alshabaab maalintii dhaweyn ee Qabriyada faagayeen anigaa u diray oo ku idhi iisoo faaga qabriyada, sababtu waxeye tahay Qolooyinkii Dowladii Kacaanka la shaqeyn jirtay ayaan weydiiyay Furihii Xalka Somalia lagu furi lahaa waxey ii sheegeeyn in Kafantii Maxamed Siyaad Barre lagu xiray oo lagu aasay marka sidaa ayaa keentay in aan ku idhaahdo war qabuuraha faaga ilaa aad ka heshaan Furahaasi marka Nasiib daro waa la wayay Furihii”. Sidaa waxaa tiri Fanaanada oo Qosleeysa.

 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com