shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay mahiga iyo Jerry Rowlings.

(Nairobi, Oct 15, 2011 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa  lakulmay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Augostine Mahiga iyo Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliye Jerry Rowlings.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay Arimo badan oo ay kamid yihiin Xaalada Soomaaliya, Waxyaabaha la isla soo hadal qaday ayaa waxaa kamid ah Shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyo hirgelinta qodobadii kasoo baxay.

Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole ayaa sheegay in loo baahan yahay dhamaystirka heshiiskii Muqdisho si loogu diyaar garoobo wajiga kale ee kulanka oo kadhacaya Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com