shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maansadan waxaa la yiraahdaa (ARDOGAN) waxaanan u hadiyeynayaa Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordogan.

(Muqdisho, Oct 09, 2011 Ceegaag Online)

Maansadaan waxaa la yiraahdaa (ARDOGAN) waxaanan u hadiyadeynayaa Ra'iizul wazaasaraha turkiga Rajab Dayib Ordogan kaas oo aan uga mahadnaqayo abaalka uu ku leeyahay umadda Soomaaliyeed, Umadda soomaalyeedna waxaan ka codsanayaa in ay iga ogolaadaan anoo ku hadlaya magacooda in aan u sheego Rajab Dayib Ordogan  in aan nahay dad kala yaqaan saaxiibka, walaalka iyo cadowga iyo in aan nahay dad mudan ama astaahila una baahan maanta in loo ixsaan falo.

ARDOGAN  

INKASTOON AYAAMAHAN

AFKA GACANTA SAAROON

AAFADA NA GAARTIYO

ABAARAHA DARAADOOD

ARARTEEDA SUUGAAN

AAMUSKII KA DOORBIDAY

WAXSE MAANTA ASADOOW

U ALIFAY ORAAHAHAN

AXSAANKII LA II FALAY

 

ISKU AYNI MAAHOO

DADKU KALA AKHYAARSANE

WAXA AAN ABAAL MARIN

RUUX IGA ASTAAHILA


ARDOGAAN WAXAAD TAHAY
AMIIR UU ILAAHAY
ADOOMAHA U SOO DIRAY

 

WAXAAD TAHAY AYAAN WACAN
WAXAAD TAHAY ISLAAM RUNA
WAXAAD TAHAY ABWAAN QARAN.


WAXAAD TAHAY ABOOWAHAY

IYO INA ADEERKAY

EHELKAYGI BAAD TAHAY.


WAXAAD TAHAY AKHWAAN KAY
WAXAAD TAHAY MID ABIDKAY
KOLNA AAN ILOOBAYN.

 

UMADIISA WAXAAD TAHAY
MIDAY KU ISTAREEXEEN


ISLAAMKANA WAXAAD TAHAY
MID AY KU INTIFAACEEN.


ANAGANA WAXAAD TAHAY
MIDKII NOO ISTAAGIYO
IFTIIN NOO BAXAAD TAHAY.


ARDADEENA WAXAAD TAHAY
AQOONTOODA KII YIRI
ALBAABADA HALOO FURO.


ARLIGEENA WAXAAD TAHAY
XILI AAN LA AADAYN
AFADII ASOO WADA
IYO WELI AKHYAAR KALE
KII SOO ARKAAD TAHAY.


IJAABADA WAXAAD TAHAY

NINMAAN LOO AQRAYNOO

INDHIHIISU DEEQAAN.

 

AQOONYAHAN WAXAAD TAHAY

HALKA ARINKU MARAYIYO

OGAAN KARA ALAACIIB

HADII LOO ADEEGSADO.

 

AMEERIKA WAXAAD TAHAY

NIMAAN AAMINAYNOO

UMADIISA HANANKARA.

 

WAXAAD TAHAY ASXAABIHI
AKHLAAQDOODA RUUXLOO
ARAGTIDIISU DHEERTAHAY.


HADAAN ANIGA ARINTIYO
AMARAKAYGU SOCONLAHAA
WAXAAN KUGU AMAANIYO
KA ARIMI KU ORANLAA
BADAYDAA ADUUNYADU
UGAARSIGA U JOOGAAN.

 

ISRAA'IIL WAXAAD TAHAY
KOLKAY AADMIGOO IDIL
ADOOMAHOODII MOODEEN
KII AAMUS YIRIYOO
KA AG KACAY AGTOODII.


ADUUNYADA DUSHEEDANI
WAABAY KUU AHAATEE
AAKHIRO ILAAHAY
ACLAA FARODWSIYO
ANBIYADA LA DERISOO
ASAGAAN ILOOBINE
ALAAH KUGU ABAAL MARI
AQAL JANO KU YAALIYO
AFKA WAXAAD KA DOONTIYO
WIXII UURKU UU RABO

KII LAGU IRZAAQOO

NOQO LOO ABAAL GUDO.
 

TOBAN ADIGAA OO KALE

HADAY NOO ARIMI LAYD

MABA UURXUMAANEEN.

 

SOOMAALI IDILKEED

WEYKU WADA AMAANEEN

ARXANKAAD SAMAYSANA

WEYKUU ABAAL GUDI.

 
ADIGANA AMIIROOW

SIDAAD ARAGTAY WEEYEE
ARLIGEENU WAA HODON
AAFADA NA HAYSANA
WAXAAN EERSANAYNAA

AMNIGAAN LAHAYNINE

MAY ABAABULAYSAA ?

 

WQ: Cabdicasiis Xoogsade.

aziizxg@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com