shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda loo awood sheegay ee  Al-shabaab oo weerar ismiidaamina ka fuliyay Muqdisho

(Muqdisho, Oct 04, 2011 Ceegaag Online)

Waxaa saaka abaarihii 11:20 subaxnimo weerar ismiidaamina ka fuliyay magaalada Muqdisho nin la'oran jiray Bashaar Cabdulaahi Nuur.  ninkan ayaa isagu ka tirsanaa Kooxada Alshabaab.  Dawlada Soomaaliya iyadoo gacan ka helasa Ciidamada nabad ilaalinta ee Afrikaanka ka saartay caasimada ka dib dagaal socday labo sanadood.

Ismiidaamintan ayaa soo afjartay nabadii ka jirtay casimada Muqdisha ilaa intii ay ka bexeen kooxda Argagixisada ee Al-shabaab. Nin isagu sheegay inuu afhayeen u yahay Kooxdan oo warbaahinta la hadlaya ayaa carabka ku balbalaadhiyay inay gaalo ku halaagsantay Xasuuqaa shacab,  iyada oo 70 qof ee dhintay ay ahaayeen Soomaali Islaama.  ninkan oo lagu magaacaabo Cali Dheere ayaa u hadlay sidatan

  Dhagayso

Dawlada Soomaaliya ayaa iyadu ku tilmaanta qaraxan ayaandaro ku habsatay Soomaaliya iyaga oo ku nuux nuux satay inaan qaraxan iyo kuwo lamid ahiba aysan wax hindhiro ah galinayn soonoolaynta qaranka Soomaaliya. Dhinaca kale Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan daafaha Dunida ayaa canbaareen xoogan dusha uga tuuray kuwa la marin habaabiyay ee Xasuuqa aan loomeeldayin ama loo kalasaarin la daba taagan shacabka Soomaaliyeed.

Daawo Sawirada Qaraxa

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com