shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fursad shaqaalayn sanad ah oo haatan laga rabo shabakadan Ceegaag Online.

(Laascaanood,  Oct 25, 2011 Ceegaag Online)

Waxaa xafiiska shaqada ee Ceegaag idinku wargalinayaa cidii daneenasa inay banaan tahay fursad shaqaalayn ah, mudo sanad ah, oo ka banaan Magaalooyinka Laascaanood ama Buuhoodle. Dalkii Hooyo.

Wakhtiga Codsiga

Wakhatiga Oct, 25, 2011 ilaa Oct 31, 2011 4:00 PM saacada Waqooyi bari USA 11:59PM Soomaaliya.

Yaa shaqadan Qabankara:

Shaqsi Haysta Shahaadada Dugsi Sare, leh ugu yaraan khibrad halsano oo Saxaafada ah, ama haysta shahaado Siminaar Saxaafadeed,

Sharciyada Shaqada.

Tabinta war jira oo dhacay ama dhacaya si dhexdhexaad ah oo ah warku sida uu yahay,  maalinwalba marka laga reebo maalinta Jimcaha, Tagida Ceegaag labo jeer bishii(kharashka socdaalka waxaa bixinaya shabakada).

Mushaharka.

Laba wiig oo fasaxa Sanadkii, $130.00 (lacagta Maraykanka) Bilwalba, Talefoonka Gacanta kan  bilaashka u ah USA, “Gorgortan”

Shabakadan Ceegaag waa shabakad ka madaxbanana siyaasadaha Soomaalida ee kajira Soomaaliya Waqooyi, Koonfur, Somali-Galbeed, Jabuuti iyo NFD. Waa shabakad dhexdhexaad ah oo halku dhegeedu yahay  Hadii aadan wanaag ku kordhinayn Soomaaliya waxba ha u dhimin.

Shaqadan waxaa qabankara uun shaqsi Soomaali ah.

Eng. Xuseen Fiin

Xaghayaha Maaliyada ee Ceegaag Online

Boston, USA

 

webmaster@ceegaag.com