shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fannaannadii Waynayd ee Soomaaliya Faadumo Qaasim Hilowle oo ku geeriyootay Shalay  Magaalada London.

(London, Oct 07, 2011 Ceegaag Online)

Allaha u raxmadee waxaa Shalay magaalada London ee dalka Britain ku geeriyooday fannaanadii Soomaaliyeed ee Faadumo Qaasim Hilowle, iyadoo abwaannada iyo fannaaniinta jooga Magaalada Muqdisho ay u sameeyaan kulan tacsi ah.

Fannaanada la dhigay xalay, kaddib markii uu xanuun kusoo booday, iyadoo uu sheegay muusigiistaha Soomaaliyeed Maxamed Maclow Nuur oo ku sugan London inuu ku booqday isbitaalka ka hor intii aysan geeriyoon.

"Xalay 10:00 habeenimo ayaa waxaa i soo wacay wiil iyo gabar ay Faadumo dhashay waxay ii sheegeen in hooyo la dhigay isbitaal ayna ii yeerayso, waxaa ugu tagay isbitaalka 11:00 habeenimo iyadoo sheekeynaysa," ayuu yiri Maclow oo xusay in saakay loosoo sheegay geerideeda.

Barnaamijka maqalka ah ee Marxuum Faadumo Qaasim waa wareeysi raadiyo Soomaaliweyn la yeeshay marxuumadda sanadkii 2004tii- Dhagayso

Abwaannada iyo fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho ayaa isugu yimid kulan ay tacsi ugu sameynayeen Faynuustii fanka Faadumo Qaasim, waxayna uga sheekeeyeen kulanka taariikhdeeda iyo wixii ay ka garanayeen, waxayna Alle uga baryeen inuu jannadiisa ka waraabiyo.

"Faadumo muddo badan ayaan aqaannaa, waxayna ahayd fannaanad aad ugu fiican jilitaanka iyo heesaha, waxayna ka qayb-gashay afar ruwaayadood oo aan anigu sameeyay," ayuu yiri Axmed-deey Cabdi Gaashaan oo ka mid ah abwaannadii ka hadlay kulankii tacsida ahaa ee lagu qabtay Muqdisho.

Abwaan Siciid Harawo oo isagna kulanka tacsida ah ka hadlay ayaa sheegay inuu yaqaanay Faadumo Qaasim iyo Aabbaheed Qaasim Hilowle ayna ahaayeen laba qof oo fanka aad ugu wanaagsan, wuxuuna xusay in fannaanadu ay Soomaalida uga tagtay dhaxal dhinaca fanka ah.

Gabgabadii kulanka tacsida ah ee ay bawaannada iyo fannaaniintu ku qabteen Muqdisho ayay waxay ugu duceeyeen faynuustii fanka Soomaaliyeed marxuumad Faadumo Qaasim iyagoo u rajeeyay in Alle uu jannadiisa ku abaalmariyo.

Faynuustii Fanka ayaa waxay kusoo biirtay fanka Soomaaliyeed iyadoo aad u da'yar, waxaana markii ugu horreysya si ramsi ah loogu qoray inay ka mid noqoto fanaaniinta Soomaaliyeed sannadihii lixdameeyada iyadoo tan iyo muddadaas shaqeynaysay, waxayna muddooyinkii dambe ku noolayd dalka dibaddiisa.

Allaha u naxariistee Faadumo Qaasim waxay ifka uga tagtay 45 ruux oo isugu jira caruur ay dhashay iyo kuwo ay sii dhaleen, waxayna intooda badan ku nool yihiin dalka dibaddiisa.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com