shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Diyaaradaha wadanka kenya oo duqaymo xoogleh  u gaystay Kismaayo

(Kismaayo,  Oct 23, 2011 Ceegaag Online)

Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan kooxaha Argagixisada Al-shabaab  ayaa waxaa Duqaymo xoogleh ka gaystay diyaaradaha wadanka Kiiniya. Wararka aanu ka helayno Kismaayo oo aanu kula xidhiidhnay khadka xaga Talefoonka ayaa naloo xaqiijiyay in sadexmeelood holcaso sida qaybta indhobararka ee xaga hore ee Dekada,  Xaruntii gujisyada(maraakiibta quusa) , iyo saldhiga Booliska ee magaalada Kismaayo.

Duqaymayntan ayaana war loo hayn cida wax ku noqotay iyada oo ay ahyad duqayn aad u xoogbadan. Kooxda Al-shabaab ayaa isku xeeray goobahan una diiday wariyaasha iyo dadwaynuhu inay ogaadaan khasaaruhu inta uu leegyahay iyo waliba cida wax ku noqotay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Ceegaag.com

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com