shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalkii u Dhexeeyay Beelaha Ogaadeen iyo Arab Ayaa Waji Cusub Galay

(Bali-Gubadle,  Oct 22, 2011 Ceegaag Online)

Dagaalkii u dheexeeyay beelaha Ogadeen iyo Arab ee ka bilaabmay deegaanka la yiraahdo Dacawaley oo ka tirsan Gobolka shanaad ee dhulwaynaha Ethiopia ayaa waji kale yeeshay ka dib markii ciidamada sida militariga u tabaran ee la yidhaando Liyuu Police ay gacanta ku dhigeen shalay 6 gaadhi oo ooy saarnaayeen 57 maleeshiyaada beesha Arab iyo saanadoodii.

Wararka ay helayso shabakada wararka ee Ceegaag.com ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Arab ay ku socdeen deegaanka Yoocaale ooy hore ugu dileen 7 ruux oo beesha Ogaadeena markii ciidamada Liyuu Police looyaqaano oo ku sugayay xadka u dhexeeya Soomaaliland iyo Ethiopia ay hareereeyeen gacantana ay ku dhigeen maleeshiyaadkaa iyo hubkoodiiba.

War ka soo baxay wasaarada warfaafinta ee kilikla 5aad ee Itoobiya ayaa lagu cadeeyeey in ciidamada Liyuu Police ay gacanta ku dhigeen Budcad ka soo gudubtay Soomaaliland rabtay in ay wax yeelo u gaysato shacabka ku dhaqan dhulka ismaamulka Ethiopia waa sida ay hadalka udhigeenee. Maleeshiyaadka beesha Arab iyo baabuurtoodiiba ayaa lagu hayaa magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyadoo maxkamad la horkeeni doono maalmaha soosonda.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee beesha Ogaden iyo beesha Arab ay dagaalamaan waxaase hada muuqata in dagaalka labada beelood noqonayo mid siyaasadeysan iyadoo ilaa iminka aan wax wara laga hayn dhinaca Soomaaliland oo ku saabsan dhacdadii shalay la gu qabtay 57 maleeshiyaad iyo hubkoodiiba kuwaas oo kasoo gudbay xadkooda.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com