shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ceelkii labaad (2) ee laga hirgalinayay degmada Ceegaag oo shaqadiisu meel fiican marayso.

(Ceegaag, Oct 10, 2011 Ceegaag Online)

Iyadoo laga soo wareegay muddo labaatan casho ah furitaankii ceelkii ay hay’adda NPA ka hirgalisay degmada Ceegaag ayaa dhinaca kale waxaa si xawli ah u socda qoditaankii ceelkii labaad ee ay isla degmadaasi yeelato kaas oo ay hirgalinayso hay’adda SCERDO ee fadhigeedu yahay magaalada Edmonton ee dalka Canada.

Khubaro booqatay goobta laga qodayo ceelka labaad ee Ceegaag ayaa Ceegaag Online warbixin ay u soo direen ku sheegay in qoditaanka ceelku meel fiican marayo illaa haddana aaney jirin wax cillad ah oo ku yimi qodidaankiisa. Khabiirka gacanta ku haya qoditaanka ceelka oo u dhashay dalka Suuriya (Syria) ayaa u xaqiijiyay khubaradaas in ay muddo yar ku soo afjarada ceelka kuna rajo waynyihiin in ay biyaha ku gaadhaan cabirkii loogu talo galay in lagu gaadho oo ahaa illaa 300 mitir.

Dhinaca kale ceelkii ay hirgalisay hay’adda NPA ee Ceegaag ayaa si wanaagsan u shaqaynaya isagoo ay ku liibaaneen dadwaynaha deggan degaankaas isagoo saacaddii soo saara ilaa 90 foosto. Tan iyo intii laga bilaabay magaalada Ceegaag labadan ceel ayaa dhinaca kale waxaa si xawli ah u socda dhismayaasha gaarka loo leeyahay iyadoo ay xusid mudantahay in uu labanlaabmay sicirkii dhulka degmada Ceegaag iyadoo halka balloodh ee nooca “A” loo yaqaan lakala siisto  $4000 oo dollar.

Dhawaan waxaa shabakadda wararka ee Ceegaag.com idiin soo gudbin doontaa barnaamijyo taxane ah oo ka hadlaya horumarinta degaankaas gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo deegaanka.

 

 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com