shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Xuseen Siciid (Hayaaag)  oo  dhamaystiray  Ergooyinka gudaha ee uga qaybgalaya shirka wadatashiga Dhulbahante ee loo balansan yahay Magaalada Qadiimiga ah ee Taleex.

 

(Ceegaag.  Oct 29, 2011 Ceegaag Online)

 

Wadatashi dheer oo soo sacday ilaa wiigii hore oo beeshu ku qaada dhagasay habka iyo sidii ay uga qayb

galilahaayeen shirka wadatashiga beesha Dhulbahante loo balansanyahay Magaalada Qadiimiga ah ee Taleex ayaa

laysku afgartay  in beeshu si mugwayn uga qayb gasho shirkaa.

 

Kadib markii beeshu u argatay shirkan Taleex inuu yahay mid lagu dabo qabanaya talada reerka oo in dhawayd taalay

BOHOLAHA XARGAGA,  aadna muhim ugu ah jiritaanka iyo wadajirka beesha Dhulbahante, waxaa beeshu ay

go’aansatay in shirkaa uu noqdo mid dhamaan laga qaybgaliyo waxgaradka beesha  sida aqoonyahanada Diinta,

Maadiga, iyo madaxda dhaqanka.

 

Markii beeshu aragtay cabashooyinka iyo tabashooyinka ka imanaya ardaayada kale ee Dhulbahanta waxay beeshu

go’aan satay inay ay 19 xubnood uga tanaasusho beelaha  Dhulbahante ee cabashooyinka ka muujiyay saami qaybsigii

ergooyinka loo qoondeeyay shirka, si shirku u noqdo mid lagu guulaysto.

 

Xubnaha shirka uga qaybgalya beesha Xuseen Siciid oo ah 31 xubnood waxay kala yihiin

 

Xubnaha Aqoonyahanada Gudaha

 

1.    Cabdirisaaq Maxamed Aadan ‘Lafoole’

2.    Dr. Cabdirashiid Maxamuud Cali Saxar

3.    Cawaale Jaamac Raygal

4.    Cabdala Xuseen Xaaji Cali

5.    Xasan Cali Jaamac Gaydh

6.    Xasan Faarax Suudi

7.    Cali Cabdi Ciise Wacays

8.    Jamaal Cabdilaahi Axmed Dabagooye

9.    Maxamed Cabdiqani Faarax

10.  Maxmed Ismaaciil Siciid {Nadiif}

11.  Cadirashiid Maxamed Cawl

12.  Muuse Haybe Kaariye

13.  Xaashi Cali Dhalinyaro

14.  Cabdixakiin Cali Abokor

15.  Cabdirisaaq Axmed Cali (Khayre) iyo

16.  Maxamed Awsahal Sooyaan

 

Ergada Odayaasha Dhaqanka

 

1.   Wakiil Jiif caaqil Cabdi Cali Abokor (Cabdidheere)

2.  Caaqil Maxamed Cade Faarax

3.   Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh

4.   Caaqil Xasan Ciise Wacays

5.   Caaqil Cabdi Ciise Gudiri

6.   Caaqil Aadan Warsame Xasan (foorariye)

7.   Caaqil Cabdilaahi Cawil Faarax Dabataag

8.   Oday Cabdiriigle Xaaji Cali Cilmi

9.   Oday Ibraahin Axmed Dabagooye

10.   Oday Cali Weerar Maxamuud

11. Oday Cumar Xasan Ilka Dahable

12. Oday Cabdirashiid Faarax Isxaaq

13. Oday Maxamed Axmed Cumar Gifle

14. Ogay Ibraahim Maxamed Aadan (Buraale)

15. Oday Maxamed Xasan Cawl (Khamriile)

16. Oday Maxamed Raabi Lugay

 

Waxaa kale oo beeshu ku heshiisay in Xubno qurbo joog ah loo diro shirka

Ugu danbayn waxaa beeshu talo ku soo jeedinasaa:

 

1. Sidii beeshu horay ugu shaacisay saxaafada in beeshu taageersan tahay shirka Taleex, tageero hiil iyo hooba leh la

 garab taagan yihiin sidii uu shirkaasi u noqon lahaa mid midho dhal ah.

 

2. Waxay beeshu soo dhaweynasaa kuna faraxsantahay  isfahanka wada shaqayneed ee dhexmaray Gudiga sare (G6)

 iyo Isimada Dhulbahante.

 

3. Waxaa beeshu talo ku soo jeedinasaa in laga ilaaliyo shirkaa Taleex wixii, fashil ku keenaya ,  Isla markaana beelaha

 Dhulbahante u arkaan shirkan mid wada tashi guud ah balse aanay u arag mid beeshu wax ku kala riixanaso.

 

4. Waxay beeshu soo dhaweynasaa faragalin la’aanta iyo soo dhaweenta ay shirkan u muujiyeen Maamulada Puntland

 iyo Somaliland iyo wadanka dariska aynu nahay ee Itoobiya.

 

Wabilaahi Tawfiiq

  

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com