shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Hayaag oo bayaan ay ka soo saareen degmada Ceegaag ku taageeray shirka wadatashiga beesha Dhulbahante ee ka dhacaya dagmada Taleex ee gobolka Sool

(Ceegaag, Oct 15, 2011 Ceegaag Online)

Shirwayne baryahanba uga socday beesha Hayaag magaalada Ceegaag ayaa shalay la soo gabagabeeyay iyadoo shirkaas ay ka qaybgaleen dhammaan waxgaradka beesha sida cuqaasha, culumaauddiinka, haweenka, aqoonyahannada iyo waxgardka beesha.

Shirkaas oo furmay bishan October 11, 2011, waxaa wadatashi dheer oo ay qaateen beesha gudaha iyo dibaddaba ay islaqaateen in shirka wadatashiga Dhulbahante si buuxda looga qaybqaato lagana shaqeeyo sidii beelwaynta Dhulbahante laysugu soo dhawayn lahaa si looga baxo jaahwareerka siyaasadeed ee beesha ku habsaday illaa burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Dr.Cabdirashiid Maxamuud Cali Saxar oo kamid ahaa dadkii ka qaybgalay shirkii ka dhacay Degmada Ceegaag kana mid ah  guddiga qabanqaabada gudaha ee beesha  isla markaana ah xubinta beesha Hayaag u matalaya guddiga qabanqaabada ayaa Ceegaag online qadka taleefoonka kula soo xidhiidhay una xaqiijiyay in ay gabi ahaanba beeshu diyaariyeen wixii qayb ahaan kaga soo aaday ergooyinka shirka uga qaybgalaya beesha yo agabkoodiiba iyagoo si toos ah uga ambabixidoona magaalada Ceegaag

Dr. Cabdirashiid oo saaka nagala soo xidhiidhay magaalada Laascaanood ayaa noo sheegay in ay beeshu  qaybsatay ergooyinkii diyaarna ay ku yihiin magaalada Ceegaag. Mar aannu wax ka waydiinay Dr. Cabdirashiid cidda soo xushay ergooyinka ayuu noo sheegay in ay si wadajir ah u soo xuleen cuqaasha beesha iyo aqoonyahannada beesha iyadoo habayaraatee  aan wax khilaaf ahi ka dhicin.

Waxaa bayaankan soo saaray:

1)      Chief Caaqil Cabdillaahi Cali Abokor

2)      Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh

3)      Caaqil Cabdi Ciise Guduri

4)      Caaqil Cabdillaahi Cawil Faarax Dabataag

5)      Caaqil Xasan Ciise  Wacays

6)      Wakiil Caaqil Cawaale Jaamac Raygal

7)      Oday Axmed Ducaale Suullow

8)      Oday Cabdi-riigle Xaaji Cali Cilmi

9)      Oday Cabdikariin Axmed Muuse Cawl

10)  Oday Ibraahim Axmed Cali Dabagooye

11)  Oday Cawil Cali Abokor

12)  Oday Xiis Ibraahin Raygal

13)  Oday Maxamuud Xasan Cawl (khamriile)

14)  Oday Ismaaciil Axmed Xaaji Ducaale

15)  Oday Cabdillaahi Awaadan Xaaji Xuseen

16)  Oday Maxamed Cali Caateeye (cagajar)

17)  Oday Cabdiguray Ismaaciil Gamadiid

18)  Oday Jaamac Ismaaciil Dhible

19)  Oday Maxamed Baaruud Cali Caateeye

20)  Oday Hurre Mire Cabdi

21)  Oday Sulub Gaas Guutaale

22)  Oday Cabdi Cali Abokor

23)  Oday Ismaaciil Cali Cadmeed

24)  Oday Cabdirashiid Faarax Isaxaaq

25)  Oday Maxamed Bile Awxasan

26)  Oday Faarax Mire Cabdi

27)  Oday Baashe Cabdi Faaerax Guutow

28)  Oday Xirsi Cali Cawl

29)  Oday Ciise Cawil Faarax

30)  Oday Cismaan Tooxyare

31)  Oday Mahdi Jaamac Caliyare

32)  Oday Cabdi  Awxasan samatergiir

33)  Oday Gaagaale Xasan Daacad

34)  Oday Cawil Cabdi Suldaan

35)  Oday Cali Weerer Maxamuud Cali

36)  Oday Axmed Saleebaan Jaamac(Gacanqulaab)

37)  Oday Qaaim Maxamuud Goorxungowrac

38)  Shiikh Maxmuud Cabdi Jaamac Gaydh

39)  Dr. Cabdirashiid Maxmuud Cali Saxar

40)  Aqoonyahan Cabdi Maxamed Xaaji Cabdi (Black)

41)  Aqoonyahan Cabdalle Xuseen X. Cali

42)  Aqoonyahan Cabdirashiid Maxamed Cawl

43)  Aqoonyahan Xaashi Cali  Dhallinyaro

44)  Aqoonyahan Xasan Faarax Suudi Dixad

Wixii faahfaahin dheeraada raba hakala xishiidho Dr. Cabdirashiid Maxamuud Cali Saxar,   (252) 243-18029

 

webmaster@ceegaag.com