shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Banaabax loogu magac daray maalinta cadhada ayaa lagu qabtay Garoonka burburay ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, Oct 09, 2011 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha iyo Raysal wassaraha Soomaaliya oo ka qayb qaatay banaanbaxa cadhada shacabka oo maata ka dhacay xaafada Cabdalcasiis eemagaalada Muqdisho.

Madaxwayne Shariif ayaa shaaca ka qaaday in uu aad ugu xun yahay in dadka Soomaaliyeed loo adeegsado shaati diimeed oo lagu gumaadowaxaana hadaladiisii kamid ah Dhagayso

Sidoo kale Raysalwasaare Cabdiwali ayaa sheegay inay dhisi doonaan dhismayaasha ay dumiyaan kuwa looga adkaaday mabaadiidada iyo dhinaca awooda ee miciinka biday gumaadka shacabka Waxaana  uu yidhi Dhagayso

Dibad bax balaaran oo ay ka qeybgaleen kumannaan ka mid ah dadweynaha Muqdisho isla markaana looga soo horjeeday xasuuqa ay kooxdaAl-shabaab ku hayaan shacabka Somaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Isu soo baxan oo ahaa kii ugu weynaa oo muddooyinkan ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa ka qeybagalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horreeyaan ardayda, waalidiinta ayaa waxa ay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku qeylinayay halku dhegyo ka dhan ah malleeshiyaadka  Al- Shabaab.

Dibadbaxayaasha oo markii dambe isugu soo ururay garoonka kubbadda cagta ee Koonis ayaa waxaa halkaasi kula hadlay mas’uuliyiinta ugu sar sareeya dowladda oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Shariif R/wasaare C/weli, wasiirro Xildhibaanno saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta gobolka.

Gudoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay gumaadka ay shacaka ku hayaan kooxda Al-shabaab isagoo dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay in shabaab loo awood sheegan doono,  waxa uuna yidhi Dhagayso

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo arimaha diinta Ugaas Bile oo madax u ah guddi uu madaxweynuhu u magacaabay sidii ay u daryeeli lahaayeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ardayda lagu laayay oo halkaasi ka hadlay ayaa warbixiyay xaaladii dhaawacyada la qaaday.

Ugaas Bile ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay qaaday 36 ka mid ah dhaawacyadii ugu darnaa oo ay ay wehliyaan 36 kale oo eheladooda ah, wuxuuna tacsi u diray arday geeriyooday markii la qaaday kadib kaas oo lagu magacaabo Asad Cabdi Saciid,  lix ka mid ah dhaawacyadaasi ayuu sheegay in xaaladuudu ay aad u liidato. Waxaa hadladiisii ka mid ahaa Dhagayso

Dibad baxaasi ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u nabdoon iyadoo ciidamada dowladuna ay ku guuleeysteen sugidda amaanka dibadbaxayaasha.

Xuquuqda sawirda waxaa iska leh Radiomuqdisho.net

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com