shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Abwaan Farxaan Cumar Gowl (Farxaan Salwe) oo Tix guubaaba ah u tiriyay Shirka ka dhicidoona Degmada ee Taleex.

(Chimoio, Mozambique, Oct 17, 2011 Ceegaag Online)

 

 

 

Warka shalay isoogaadhay ee wadajir loosheegay
Ee wanaagsan Ceegaag kayimid waan ku diirsadaye
Wax layidhi waxgaradka iyo culimadiiyo warasadii reerku
Wadar bay uqaateen midnimo waarta abidkeede
Wefti bay udirayaan Taleex wadada gaadiide
Qurba joogtu taageertayoo tebiye sawdkooda
Waxgaradkiyo aqoonyahanadii wadajir taageere
Wayne haydindaayee tolkiin wehliyoo aada
Talo waafiyo waarta iyo weedho CURAD sheega
Waan waan dhexdhiga reerku wuu kala wisiisiyaye

 

@@@@@@@@@@@@@@@

 

Weedh kalana waa Odeyadaa Wabaxtaraareeyay:
Odayada Garoowiyo fadhiya guriga reer Ciise
Ee gogushu ufidsanayd gu iyo dheeraadka
Ee gunada lasiiyee gisaha gelindhaxaad ruuga
Ee gunimo intay qaayibeen Gobolka Sool moogan
Ganaax baan ujarayaa dhamaan waanan gaasiraye
Gudoon iimaqaadan intay gole fadhiistaane
Gaaf wareega weligiin gadood goboladaydiiye
Gudoon khaatumay dhawrayaan gumaradiisiiye
Gaagixina maayaan hadaad gebogabaysaane
Guuldaraysay baaqaad dhowaan gole kasheegteene
Gelgelin lama fadhiistiyo waqaa goob habaas badane
Garmaqaateyaalyohow mar uun Sharaf usoo guuxa.

 

 

 

Farxaan Cumar Salwe

Chimoio, Mozambique

  

webmaster@ceegaag.com