shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

21-October taariikh xusid mudan (ka boga warbixin, Sawiro iyo muuqaal)

(Soomaaliya, Oct 21, 2011 Ceegaag Online)

Sanadkii 1969 Taalada wadanka soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii Qalabka siday oo uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Jaale Maxamed Siyaad Barre waxaana uu hayay talada dalka 21 sano Muxuu qabtay Kacaankaas Barakaysnaa? Laga soo billaabo 1956kii ilaa 1969kii waxaa maamulka dalka hayay dowlado ay taagdarrada iyo habacsanaanta u dheerayd musuqmaasuq, qabyaaladd iyo fowdo iyo kala dambeyn la’aan joogta ahayd.

Ammaankii iyo kala dambeyntii ayaa faraha ka baxay, dagaal joogta ah ayaa qabiillada ka dhex aloosnaa, ilaa la gaaray in beeluhu ay meel walba ku diriraan. Waxaana dhibaatadu ay noqotay mid sii baahda oo dowladihii magaceeda u bedesha Dowlad Musuqmaasuq uu la degay, waxaana fowdadii iyo nabadgelyo darradii ay ku biyo shubatay in (AUN ) Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharmaarke uu toogto askarigii loo xil saaray badbaadintiisa, iyadoo la adeegsaday muruqa ciidammadii dowladda ee markaas jiray iyo weliba maalkii qaranka, waxaana laga daliishan karayay halkaas in musuqmaasuqa iyo fowdada uu heerka ugu sarreeyay tegay. Doorashooyinkii dhacay 1958, 1964 iyo 1969kii waxaa si bareer ah warqadihii cod bixinta ugu shubtay xisbigii SYL ee dhallinyarada, dhowr magaalo oo dalka Soomaaliya ku yaallay ayaa dadweyne aan waxba galabsannin lagu laayay, waxaana dadweynihii xilligaas ay ku calaacalayeen Xooggii Dalkoow Maad naga qabataan dugaagga iyo diiratada dowladnimada sheegtay, dhowr ka mid ahaa abwaannadii Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku cabbireen xilligaas musuqmaasuqa dareenkooda hab suugaaneed, waxayna ku maansoodeen “Inqilaab hurdaduu ku jiro la hubsan doone” oo uu abwaan Nuur Cali Qonof tiriyay, sidoo kalena abwaan Qaasim ayaa isaguna tiriyay tixaha ay ka midka yihiin:

Cishadii Gashaba waagu waa caynad gooniyahe

Inay curadyo khayrlihii Kacaan ciidan la arkaaye

Iyo suugaan kale oo badan oo ay ku cabbirayeen dareenka ay ka qabaan dhibaatada lagu hayay bulshada. Doon badweyn ku degtay qof ka dabbaashay markuu berriga gaaro oo cagaha dhulka saaro sida uu u farxo oo kale ayaa dadweynuhu ugu farxaan afgambigii lagu minjaxaabiyay dowladii masuqmaasuqa ahayd, caleemo qoyan iyo raynrayn ayaa lagu soo dhaweeyay talaabadii geesinimada lahayd ee ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya qaadeen, si aan hagar lahayn ayaa Soomaali meel ay joogtaba ay u taageertay golihii sare ee kacaanka, daacadnimo loola shaqeeyay iyo duco ayaa la isugu daray. Abwaanada hal-abuurka hidaha u leh ayaa geeddi socodkii kacaanka garab istaagay Abwaan Qaasim 1970kii ayaa ku gabyay.

Guryasamo ilaa lagu furay gibisha saarnaane…

Gaargaarimaysoo askari giigsan baa wadiye

Sidoo kale Cabdi Muxumed ayaa ku heesay “Cimrigii jiryow caynaanka hay…hay hay waligaa hay (HEESTA CIMRIGII JIRYOOW )“. Xasan Xaaji ayaa isna alifay heestii ahayd “guulwade siyaad, aabihii garashada gayigayow” mar kale Xasan waxaa uu alifay heestii ahayd “Nabee nooma talin maskax nooga roon” Cabdi Bashiir Indhabuur ayaa isna ku maansooday “Wehelkii Calankow wadnihii umaddow noo waar”. Dhan kasta dib-u-dhac dhaqan dhaqaale oo baaxad weyn oo dalka la degay, wadankuna la mid yahay beer bislaatay oo u baahan miraha oo laga gurto kali, loona jeelqabay in hogaanka sare labadalo ayaa kacaankii 21 Oktober curtay.Marka la qiimeeyo hormarkii dalka uu ku tillaabsaday 7dii sano ee maamulkii kacaanka ugu horaysay waxaa amaan iyo in kabadanba Maxamed Siyaad Barre waa uu mudnaa, runtii waxaa la oran karaa Soomaaliya waligeedba 7daas sano oo kali ah ayay dowlad dhab ah oo tiirar adag ku taagan ka yeelatay 21/07/1976 illaa 1/7/1976kii awooda maamulka dalka waxay ku jirtay gacmaha Golaha Sare ee Kacaanka oo uu hormuud ka ahaa jaale Maxamed Siyaad Barre. 7daas sano waxaa jirtay yididiilo wacan iyo himilo Soomaalinimo waxaa bulshadu ka nasatay kana raysatay marxaladii masiibada iyo dhibka badnayd,taasoo laga dhaxlay maamulkii tabarta darnaa ee dowladii masuqmaasuqa ahayd, waxaa la helay hanaan maamul oo ku socda asluub, kala danbayn iyo wada tashi, waxaana wadanku uu ku tilaabsaday hormar tayo leh oo deg deg ah.

Dikreetadii ahayd Axdiga 1aad ee kacaanka waxaa lagu qoray 13 qodob oo saldhig u haa mabaadiida kacaanka, qodobadii kusaabsanaa siyaasada dibadda waxaa ugu muhiimsanaa in si dhab ah loo taaggeero oo hiil iyo hooba loo fidiyo dadyowga xaq-u-dirirka ah,siiba dalalkii afrka ee waagaas kujiray gumaysiga,Runtii kacaanku waa uu fuliyay balanqaadkaas,waayo 1973kii shirkii ururka midowga Afrika OAU ku yeeshay Rabaad-Marooko dhowr wadan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya hormuud u ahayd ayaa loo xilsaaray xoraynta wadamada Afrika ee Portaqiisku gumaysan jiiyray. Si loo meel mariyo qorshihii xoraynta wadamadii ku jiray gacanta gumaystaha,waxaa Soomaaliya laga yagleelay xeryo lagu tababaro dagaalyahanada gobanimadoonka Afrika, waxaana loo layli ama loo carbin jiray mucaskar lagu carbiyay sidii ay heeryada gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen.

Saraakiil fifircoon ayaa laga xulay XDS waxayna safka dagaalka la galeen dagaalyahanadii gobanimodoonka ahaa kuwaas oo si hufan uga howl galay wadamada ay ka mid yihiin Angola , Musambig, Namibiya, iyo kuwo kale, howshii jabhadaynta waxaa ay kasoo hooyeen guul iyo libin looga riyaaqay qaarada Afrika oo dhan. Radio Muqdisho ayaa laga joogteeyay barnaamijyo loogu talagalay guubaabinta, kicinta, wacyigalinta iyo dhiiro-galinta shucuubta xaq-u-dirirka ahayd ee reer Afrika HEESTA AFRIKAAY HURUDOOY ayaa kamid ahayd heesihii badnaa ee uu sida weyn radio muqdisho uu soo baahin jiray.Shirkii Rabaat sababta Soomaaliya loogu doortay xoreynta waddamadaas waxa ay ahayd, durbadiiba markii Kacaankii 21ka Oktoobar uu curtay ayaa waxaa la isku dubba-riday ciidan xoog leh, kana dheellitiran dhinacyada tirada, tayada, tababarka xeeladaha dagaalka, hubka iyo saanadda. Kulliyadaha Istaraatiijiyada adduunka ee ku taqasusay qiimeynta ciidammada caalamka ku baahsan ayaa waxa ay ciidanka Soomaaliya ee xilligaas u aqoonsadeen inay safka hore uga jireen ciidammada ugu fiican Afrika, waxayna kaga jireen kaalinta afraad, waxaa ka horreeyay oo keliya ciidammada waddamada kala ah Koonfur Afrika, Masar iyo Nigeria . Soomaaliya oo wakiil ka ahayd tolweynaha Hantiwadaagga waxay qayb libaax ka qaadatay xoreynta waddamadii gumeysiga Bortuqiisku gumeysan jiray, gaar ahaanna jabhaddii MPLA ee Agostino Netto uu hoggaamiyaha ka ahaa, inay la wareegto xukunkii dalka Angola xilligaas. 30kii November 1971 khudbad qiime leh oo uu ummadda u jeediyay Allaha u naxariistee madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliya jaalle Maxamed Siyaad Barre uu ku cabbiray in Afrika ay midowdo oo ay ka hoos baxdo heeryada gumeysiga, iyaduna ay aayaheeda garato, waxaana uu ku dhiirri geliyay ummadaha Afrikaanka in iskaashi ay uga bixi karaan dhibaatooyinka haysta. Soomaaliya waxay ku tallaabsatay xilligaas horumar dhaqan, dhaqaale oo dhan kasta saameeyay, waxayna xilligii uu kacaanka majaraha u hayay ay noqotay dal sharaf iyo karaamo leh oo laga qiimeeyo dunida oo dhan, gaar ahaanna qaaradda Afrika. Haybaddii ay Soomaaliya adduunweynaha ku yeelatay darteed, bishiiJuun 1974kii waxaa Xamar lagu qabtay shirkii OAU ee midowga Afrika, waxaana guddoomiye sanadeed loo doortay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, balse xilligaas uu Madaxweyne Siyaad barre talada Midowga Afrika hayay Cumar Carte Qaalib oo xilligaas ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo u tartamayay jagada xoghayaha guud ee OAU, dhowr cod iyo si dirqi ah ayuu ku seegay in loo caleemo saaro jagadaas.Xilligii uu madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee ahaa guddoomiyaha midowga Afrika (OAU) si hufan ayuu uga soo dhalaalay jagadaas, sanadkaasna waxaa la hor geliyay hal-ku-dheggii ahaa Afrikaay hurdada ka toos oo isku tasho , Wargeyska (The Africa, caddadkiisii 34aad ee soo baxay June 1974 ayaa wuxuu qoray shirkii OAU ee lagu qabtay Muqdisho inuu ku dhammaaday guul iyo walaaltinimo dhex-martay ummadaha madow, wuxuu sawiray Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo madaxda Afrika u horseedaya tubta nabadda iyo barwaaqada, Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku guuleystay inuu joojiyo dagaalladii ka dhex aloosnaa waddamada Ugandha iyo Tansaniya, iyadoo colaaddii dhex tiillay labadaas dal lagu beddelay caaqiibo nabadeed

Dhexdhexaadinta iyo horumarinta qaaradda Afrika keliya kacaanku kuma ekeyn ee wuxuu xitaa uga gudbay xaggaa iyo qaaradda Aasiya,Sanadkii 1971kii dagaalka ka curtay gooni-u-goosadkii bariga Pakistan, Kacaanku wuxuu u diray guddi dhexdhexaadin ah oo Soomaaliyeed oo heshiisiin iyo xabbad joojin ka hir geliyay halkaas, oo waddamadaas Islaamka ah ay u xil saareen Soomaaliya inay arrintaas dhammeyn karto, waxaana guddi caalami ah oo Islaamka ka socda loo doortay Soomaaliya inay guddoomiye u noqoto guddigaas, sidaasna mushkiladdaas ku soo dhammaato. Haybaddii xilligaas dalku lahaa iyo karaamadii kacaankii 21ka Oktoobar ee uu hor kacayay Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre ay dalka u soo jiideen awgeed ayey guddigaas ku soo guuleysteen in dhibaatadii Pakistaan la soo afjaro oo la abuuro laba dal oo walaalo ah oo kala ah Pakistan iyo Bangaaladheesh, sidaas awgeedna Sheekh Mujiibu raxmaan loo doortay madaxweynihii u horreeyay ee dalkaas cusbaa ee Bangaaladheesh.Madaxweynahaasna waxa uu soo saaray xeer muwaadiniinta sita baasaboorka Soomaaliya u oggolaanayay in uu Bangaaladheesh ruqsad ama Visa la’aan ku geli karo dalka Bangaladheesh, isla markaasna ku noolaan karo, hase yeeshee markii Soomaalidu si xun uga faa’iideysatay oo ganacsi suuq madow ah oo dahab ka ganacsi u badan dalkaas lagu qarqiyay ayaa xeerkii loo unkay soo dhoweynta Soomaalida la laalay.Sidoo kale Kacaanku wuxuu mowqif cad ka istaagay qaddiyadda bariga dhexe iyo Israel, waxaana uu Jaalle Maxamed Siyaad Barre tilmaamay in Soomaalida oo dowlad Islaam ah ay bariga dhexe waxa ka socda ka soo hor jeeddo, waxaana kacaanku dhaliilay siyaasadda Israel ee ku aaddan dadka dhulkooda xoogga lagu haysto, Siyaad Barre oo xusuusinaya illoowsha dhowida Yuhuudda waagii Hitler ayaa Khudbad uu jeediyay munaasabaddii 21ka October 1971kii kula taliyay yahuudu inay joojiso arxan darada ay ka wado Barriga dhexe.

Guulaha siyaasadda dibedda ee uu kacaanku gaaray ka sokow, towraddii barakeysneyd ee uu majaraha u hayay (AUN) jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu isbeddel gun iyo baar ah ku sameeyay arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya. Axdigii Kacaanka 21ka Octoobar ee xagga siyaasadda gudaha waxaa ugu muhiimsanaa in la dhiso bulsho asluub leh oo ku tashata awooddeeda isla markaasna la tirtiro habacsanaanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye,waxaa kaloo geed-ka-go’an laga dhigay in la sugo ammaanka dalka guud ahaan, xasilloonida iyo kala dambeyntana waxaa laga dhigay mid aan horay loo arag. Dhowr gacan ku dhiigle ayaa barqa waxaa lagu toogtay meel fagaare ah ka dib markii ay maxkamadi ku xukuntay dil dambiga ay galeen awgeed, khaarajinta gacan ku dhiigleyaashaasna waxa ay horseedday nabadgelyo buuxda iyo dilalka oo yaraaday, iyadoo qof kasta uu ku naallooday neecaw qabow oo ka dhalatay curashadii towradii barakaysneyd iyo naxariistii Eebbe.Qoyskii bari degganaa ayey u suurto gashay inuu Bogox u guuri karay, Saylac ilaa Sablaale, Jarriiban ilaa Jigjiga ayaa la is dhex mushaaxay iyada oo habar dugaagga mooyee wax laga baqaa aanay jirin. Kacaankuna waxa uu soo jiitay dareenka bulshada, waxaana la soo bandhigay siyaasad qurux badan oo mujtamaca caalamka ammaan ballaaran looga helay.

Sanaddadii 1970meeyadii inta badan qaaradda Afrika waxa ay la ciirciiraysay nabad gelya la’aan abuurtay xasillooni darro qaaradda halakeysay, dil, dhac, kufsi iyo dhiillo joogta ah ayey Afrika inteeda badan la kacaa kufaysay. Taas beddelkeeda ayaa ammaanka dalka Soomaaliya waxa uu kacaanka 21ka Octoobar ka curtay dalka uu ka dhigay mid si deggan u sugan, waxaana arrintaas ka marag kacay weriye Devid Lamb oo buug uu qoray oo lagu magacaabo “The Africans” ku caddeeyay in Soomaaliya dal xasilloon oo badbaado iyo nabad lagu dhex mushaaxi karo uu yahay.

21kii Jannaayo 1973dii waxay ahayd maalin weyn oo Soomaalida baal dahab ah ugu qoran, waa maalin aan weligeed xusuusteenna ka tirmi doonin, waa maalintii la hir geliyay qorista far Soomaaliga. Kacaanka ka hor waxaa wax lagu baran jiray, oo xafiisyada looga shaqeyn jiray luqadaha Carabiga, Talyaaniga iyo Ingiriiska. Haddaan dib u milicsanno taariikhda raadinta wax soomaalidu wax ku qorato, intii u dhexeysay 1920kii ilaa 1960kii waxaa is xilqaan sameeyay dad doonayay inay luqad wax lagu qoro Soomaalida u raadiyaan, waxayna soo ban dhigeen saddex af midkood in la qaato oo kala ahaa Laatiin, Carabi amaba Cibri.Dowladdii Musuqmaasuqu waxay ku guuleysatay in saddexdaas nooc mid uun ay hir geliso oo dalka loo qoro far gaar u ah oo uu leeyahay, waxaana xilligaas xisbiyadii jiray ay la kala safteen laatiinka iyo carabiga, iyada oo ay qolo la safatay in la taageero LAATIINKA maadaama madbacadaha dalka yaallo ay laatiin yihiin, qolo kalena taageeray CARABIGA maadaama ummadu ay muslin tahay, laakiin culumada diinta ayaa waxay dhaleeceyn u soo jeediyeen qolada taageertay laatiinka oo ay ku sheegeen LAATIIN inuu la micne yahay LAA DIIN. Qayb kale ayaa iyaga oo aan u kala harin waxa ay u ololeeyeen in la qaato welibana qasab lagu qaato xuruufta farta Cismaaniyiinta, iyaga oo xilligaas muquuniskaas ilaa xad ku guuleystay, maxaa yeelay SYL ayaa ku shaqeyn jirtay farta Cismaaniyiinta wixii ka horreeyay 1956kii xilligii dowladdii daakhiliga, sababta ay farta cismaaniyiinta SYL u dooratayna waxa ay ahayd Yaasiin Cismaan Keenadiid oo uu aabbihiis Cismaan Keenadiid fartaas Cismaaniyiinta allifay ayaa ahaa xoghayihii ururka SYL, Xisbiyadii xilligii musuqmaasuqa jiray qaarkood waxa ay markii dambe diideen farta Cismaaniyiinta, iyaga oo dalbaday in la isticmaalo farta loo yaqaan KADARIYA, taasoo uu alifay Xuseen Sheekh Axmed Kaddare.

Haddaba sanadkii 1960 ayaa la magacaabay guddigii ugu horreeyay oo loo xilsaaray kala saaridda farihii kala duwanaa ee xilligaas tartanka ku jiray. Farahaas oo gaarayay ilaa tobaan farood oo kala geddisan. Guddigii loo xil saaray kala saaridda faraha ayaa wuxuu u badnaa rag aqoon yahanno Soomaaliyeed ah oo intooda badan isku hawlay inay ummadda Soomaaliyeed u sameeyaan far qoraal oo u gooni ah. Markii ay guddigu isu fiiriyeen farihii markaa tartanka ku jiray cilladahooda iyo wanaagoodaba ayay waxay si wada jir ah isugu raaceen in qoridda farta afsoomaaliga loo doorto fartii ama Alifbeetadii uu qoray (AUN) Shire Jaamac Juge.Shire Jaamac Juge(aabihii farta soomaaliga ee haatan la isticmaalo) ayaa fartii uu qoray waxay noqotay fartii ugu cilladaha yarad, ugu sahlanayd, ugu shaqal iyo shibbanaba yarayd isla markaasna Laatiin ahayd oo dhaqan galinteedu ay ugu sahlanayd.

Sidaas ayaana guddigii koowaad ee afsoomaaligu uu Shire Jaamac iyo fartii uu naxweheeda iyo xuruufteedaba asagu lahaa ugu doortay farta afka Soomaaliga.

Guddigii labaad ee uu magacaabay Kacaankii 21 oktoobar ma ahayn mid lagu kala dooranayay nooca farta la qaadan lahaa ee wuxuu ahaa guddigii dhaqan galin lahaa fartii horay loo ansixiyay isla markaasna waxaa loo xilsaaray inay soo saaraan Qaamuus afsoomaali iyo naxwaha afsoomaliga.

Go’aankii ka soo baxay golihii sare ee kacankii 21 oktoober oo ahaa in la qorayo farta soomaaliga ayaa runtii waxay ahayd tallaabo geesinnimo ah iyo guul dhaxal gal ah oo uu kacaanku Soomaalida u soo hoyiyay, iyadoo ilaa iminka loo baxsaday.

Kacaanku wuxuu meel mariyay mashruucii libineed ee ahaa “Ololaha hirgelinta farta Soomaaliga iyo Horumarinta reer Miyiga” Kumanaan isugu jiray macallimiin iyo arday ayaa loo diray berrin kastoo udub aqal Soomaaliyeed ka mudan yahay, waxaana bulshada Soomaaliyeed loogu baaqay “Haddaad taqaan bar.. haddaadan aqoonnin baro” raadiyaha qaranka ee RADIO MUQDISHO ayaa laga baahiyay guubaabo la xiriirtay wax tarka qorista fartu u leedahay horumarka dalka iyadoo erayadii guubaabada ahaa ay ka mid ahaayeen:Taariikhda Qarada weyn, Afkeennii ka qatanaa,

Qaayaha uu leeyahay, Dunida ka qarsanaa,

Qorrax baa u soo baxdoo, Daahii ka qaadee,

Carrab ku qaldi maayee, Sidii caanaha qurquriyaaaaaay

Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya,

amran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge,

Iskudare xiriiriye falkaab, erayadeennii ah,

ebyan iyo haddaan magic-u-yaal, ku arkay joornaalka,

mar haddii afkaygii la qoray, aabbe iyo hooyo,

mar haddaan ammaahsigii ka baxay, lagu agoontoobay,

Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye,

ammiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene,

Afafkaa qalaad iyo maxaa , eregta ii dhiibay,

Anaa macallimoo rabo dad loo furo iskuullaade.

Waxaana tiriyay tulucdaas Cabdille Raage.

Waxaana bulshada la fahansiiyay in ku hadalka luqadda shisheeye iyo aqoonta cilmigu ay kala duwan yihiin, af qalaad in uusan aqoon ahayn oo ay ku faanaan afkoodii hooyo ayaa shacabka laga dhaadhiciyay, guud ahaanna luqadda Soomaaliyeed iyo suugaanta ayaa sare loo qaaday, gaar ahaanna af-Soomaaligii hore ee qadiimka ahaa ee beri hore lumay ayaa dib loo soo nooleeyay, eray bixintii luqadaha shisheeye ayaa lagu beddelay erey bixin soomaali ah.

Sanadkii 1974 ayuu Maxamed Siyaad Barre waxa uu ka hadlay qoraalka farta Soomaaliga, waxaana uu tilmaamay in soomaalidu ay ku xirnaayeen waddamo kale oo ajnabi ah, waxaana uu sheegay in markii fartooda la qoray ay u soo noqdeen fartoodii, Waxaana madaxweynihii Soomaaliya Allaha u naxariistee jaalle Maxamed Siyaad Barre uu yiri fartiina wax ku qora waad ku liibaanaysan. Waddammada horay u maray xitaa Mareykanka wax barashada iyo caafimaadku waa lacag oo qofba taagtii iyo tabartii ku salaysan, hase yeeshee kacaanku labadaas jiritaanka aadamiga daruuriga u ah wuxuu ka dhigay lacag la’aan.Waxbarashada oo nolosha aadmiga aasaasi u ah isla markaasna fure u ah ilbaxnimada aadamiga iyo horumarka bulsho ayaa wixii kacaanka barakeysan ka horreeyay waxa ay ahaayeen kuwo aan tayo lahayn oo aad u liitay,Waxbarashada Soomaaliyana xilligii Musuqmaasuqa waxa ay ku socotay habkii uu gumeysigu u dejiyay, taasoo ahayd in soomaalida laga dhowro wax barasho heer sare ah, tirade ardayduna ahaato mid yar oo kooban oo xaddidan, taasna waxaa daliil u ah iyadoo manhajka maadooyinku ay ahaayeen kuwii uu gumeysigu ka tegay, halka dugsiyada dhexe iyo sare ay ahaayeen kuwo fara ku tiris ah.

Kacaanka ka hor musuqmaasuq weyn ayaa dalka ka jiray siiba dhanka wax barashada oo caqabad ku ahayd arday badan oo danyar ah. Habka maamulka wax barashada wuxuu ku dhisnaa eexasho gaaar ah oo la siiyo madaxda sare iyo kuwa maalqabeenka ah iyadoo imtixaanaadka la siin jiray darajooyin aysan aqoon ku muteysan si deeqaha wax barasho ee dibedda loo aado ay iyaga keliya ugu koobnaato.

Ayaan darrada kale ee jirtayna dalka gebi ahaantiis kama aysan jirin jaamacad keliya oo ardayda Soomaaliyeed xilligaas ay warbarashadooda ka kororsadaan, balse xilligii Kacaanka waxaa durbadiiba la aasaasay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo u xil saarnayd u diyaarinta ardayda kulliyado kala duwan, fasalo wax barasho oo qalabkoodii wax barasho u dhan yihiin, dejinta manhajyo waxbarasho xilliyeysan kuna saleysan duruus tayo leh, xulashada macallimiinta iyo diyaarinta jiifka, cuntada iyo daawada ardayda, iyada oo waxaas oo hawl ah ay ardaydu u sinnaayeen, isla markaasna ay lacag la’aan ku dhiganayeen.Jaamacadda Ummadda ee kacaanka 21ka October uu aasaasay ayaa waxa ay ka koobnayd 15 kulliyadood oo kala ahaa Injineeriya, Geologia, Kiimikada, Xannaanada Xoolaha, sharciga iyo qaanuunka, Dhaqaalaha, Luqadaha, Basic Sciense, caafimaadka, Macallimiinta Lafoole. Beeraha, Culuunta Siyaasadda, Saxaafadda, Farsamada iyo Daraasaatul Islaam. Ardaydii ka qalin jebisay kulliyadahaasna waxay manta kaalin firfircoon oo muuqata kaga jiraan aqoonyahannada dalku sheegto amaba tirsado. Dhinaca aqoonta iyo heerka ay waxbarashada ka gaarsiisneyn qiimeyn caalamku ku sameeyay jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxay noqotay mid qaaradda Afrika baal dahab ah ka gashay, waxaana hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ay wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare guddoonsiisay billado dahab ah oo la xiriiray habka hufan ee kacaanku u habeeyay iyo heerka aqoonta lacag la’aanta ah laga gaaray.

Kacaankii 21ka Oktoobar ee dalka ka curtay himmilooyinkiisa towriga ah ee uu hiigsanayay waxaa ka mid ahaa heer inuu gaarsiiyo dalka waxaana uu wax badan ka qabtay arrimo badan oo wax qabad lahaa, haddaba waxyaabaha uu kacaanku qabtay ayaa waxa ay ahaayeen kuwo aan la soo koobi Karin waxaana ka mid ah sidaan soo sheegnayba dhinaca wax barashada, waxaa kale oo ka mid ahaa hadafka towradda ee la dagaallanka Jahliga cudurka iyo saboolnimada, iyo sugidda ammaanka, sida ay dad badan oo xilligaas kacaanka soo joogay ay xusuustaan waxaa wax aan mar dambe dib loo helaynin ka mid ahaa wax qabadkii kacaanka ee dhinaca Caafimaadka, kaasoo gebi ahaanba ahaa lacag la’aan, waxaana magaalada Muqdisho oo kaliya laga dhisay oo laga hawlgeliyay isbitaallo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Digfeer, Laansalooti, Martiini iyo Madiina, iyada oo ay jireen isbitaallo waaxeed sida kan ciidanka iyo kuwo kale.Xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka 21kii Oktoobatar 1969kii ee dhaliyay kacaankii uusan dhiiga ku daadan (The Bloodless Revolution) magacyadooda waa kuwa hoose:

1. S/Gaas Maxamed Siyaad Barre

2. S/Guud Maxamed Cali Samatar

3. S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax

4. S/Guuto Ismaciil Cali Obokar

5. S/Guuto Axmed Suleiman (Dafle)

6. S/Gaas Cabdalla Maxamed Faadil

7. S/Guuto Maxamud Geelle Yuusuf

8. S/Guuto Maxamed Sheikh Cusmaan

9. S/Guuto Cali Mataan Xaashi

10. S/Guuto Maxamed Cali Shire

11. G/Sare Axmed Maxamed Faarax

12. G/Sare Muusse Rabiille Good

13. G/Sare Cusmaan Maxamed Jeelle

G/Sare Axmed Xassan Muusse

G/Sare Faarax Waceys Duule

G/Sare Cabdi Warsame Isaaq

G/Sare Maxamed Cumar Jees

G/Sare C/risaaq Maxamud Abubakar

G/Sare C/qaadir Xaaji Masalle

G/Sare Maxamud Mire Muusse.

 

 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com