shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare C/wali Gaas oo Xerada Jaziira tababar ugu soo xidhay ciidamo ka tirsan Dowladda KMG.

(Muqdisho,  Oct 23, 2011 Ceegaag Online)

Waxaa tababar loo soo xiray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah, ciidamadaasi ayaa ah kuwo cusub, waxaana la baray qaabka ay u dagaalgalayaan, ama la isaga difaaco dagaalka, iyadoo ciidamadaasi yihiin kuwo la baray noocyada dagaalka ee kala duwan.

Ciidamada ayaa waxyaabihii la baray waxaa ka mid ahaa oo ay soo bandhigeen mar ay samaynayeen dhoolatus ku aadan daafaca madaxda iyo yareynta khasaaraha dagaal ee soo gaari kara, iyagoo adegsanaya rasaasta aan noleyn ee rabarka loo yaqaan.

Taliyha dugsiga jasiira Maxamuud Maxamed Macalin ayaa sheegay tirada askarta loo soo xiray tababarka iyo kuwo loo dirayo dalka ugandha,isagoo sidoo kale sheegay inay jiraan askar dhan 900 oo lagu wado in maalmaha soo socda ay Muqdisho soo gaaran, kuwaasi oo ka mid ah ciidamo dowladda Uganda ay u soo tababartay dowladda KMG ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG ee Soomaaliya Dr. C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiritaankii munaasabadaasi, isagoo hadalo kooban ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay dhisid ciidamo tayo leh oo hanta ammaanka dalka Soomaaliya.

Saraakiisha tababarka siisay ciidamadaas oo 54 ka mid ah loo tababaray ilaalinta madaxda ayaa waxa ay shegeen inay aad ugu kalsoon yihiin in ciidmada loo xiray tababarkaasi ay hanan karaan masuliyada loo tababbaray.

Dhinaca kale kooxda horseed ee ciidamada Miltariga oo howlgalka Munaasabadaasi tababarka loogu soo xiray ayaa wacdaro ku soo bandhigtay, iyadoo halkaasi ka qaaday heeso wadaniya gaar ahaana kuwa ka hadlay ahowlaha ciidamada iyo Difaaca dalka Hooyo.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com