shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hogaamiyihii hore ee Dalka Libya Muammar Qadaafi oo la dilay.

(Sirte, Libya Oct 20, 2011 Ceegaag Online)

Wararka sida tooska ah uga imanaya Dalka Libya ayaa sheegaya in goordhow ladilay Hogaamiyihii Dalkaas Liibiya Moammar Qadaafi.

Tv-ga Aljazeera oo soo xiganaya Saraakiil katirsan Dowlada KMG ee Liibya ayaa xaqiijiyay Geerida Qadaafi, iyadoo Diyaaradaha Dagaalka ee NATO lasheegay inay duqeeyeen meel ay ku sugnaayeen Masuuliyiin uu kamid ahaa Moammar Qadaafi waxaana lagu dilay Magaalada Sirta.

Wakaaladaha Wararka ee Caalamka ayaa laga daawaday Sawir lagu qaaday taleefanka gacanka oo muujinaya maydka Moammar Qadaafi.

Warkan oo faahfaahsan kala soco Shabakadda Warbaahinta Ceegaag Online

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com