shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal wasaaraha Somalia Dr. C/weli oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Ato Meles Zenawi.

(Addis Ababa, Oct 08, 2011 Ceegaag Online)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo jooga Addis Ababa ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Ato Melez Zenawi. Labada Ra'iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, arrimaha amniga, abaaraha iyo xaaladda dalka Soomaaliya.

Ato Meles Zenawi Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa ugu horreyntii u tacsiyeeyey Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed falkii lagu laayey dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan oo ay u badnaayeen arday iyo waalidiintooda, falkaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho bishan October 4teedii.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa u mahadceliyey dhigiiisa Ato Meles Zanawi sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyey dalka Ethiopia gaar ahaan magaalo madaxda Addis Ababa, Labada Ra'iisul Wasaare oo waqti dheer isla qaatay una wada hadlay si saraaxad ah ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Amniga, Abaaraha iyo sidii Dowladda Soomaaliyeed looga saacidi lahaa dhaqangelinta Roadmap kii ay Soomaalidu wada saxiixdeen 6dii September.

 

Labada mas'uul ayaa sheegay in horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta loo baahanyahay in horey loo sii wado. Sidoo kale labada Ra'iisul Wasaare ayaa isla gartay in laga wada shaqeeyo dhanka amniga iyo abaaraha oo shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo gar-gaarka bani'aadanimo.

 

Dhinaca kale Waa markii ugu horreysey ee uu Ra'iisul Wasaare Prof. Abdiweli Gaas soo gaaro magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia tan iyo intii uu la wareegey xilka Ra'iisul Wasaarenimo ee Soomaaliya.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com