shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xulka Qaranka Soomaaliya oo barbardhac la galay Xulka Ethiopia ciyaar isreebreebka koobka aduunka oo lagu ciyaarayay Gurigooda, Jabuuti

(Jabuuti,  Nov 12, 2011  Ceegaag Online)

Cayaartoyda kubbadda cagta ee xulka Qaranka Soomaaliya oo cayaar ka tirsan isreebka koobka adduunka uu ku dhexmaray xulka dalka Ethiopia garoonka Xasan Guuleed Stadium ee ku yaalla caasimadda dalka Jabuuti ayaa ku soo idlaatay goolal la’aan oo labada xulba ay isla dhaafi waayeen bar bardhac 0-0

Cayaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa haysashada kubbada ay ku badneyd lugta cayaartooyada Soomaaliya maadaama ay is aragan hore ay Soomaaliya martigelisay laguna qabtay dalka Jabuuti.

Daqiiqaddii 61-aad ee qaybtii dambe cayaarta ayaa waxaa kaarka casaanka la siiyey cayaartooy u cayaarayey xulka Ethiopia una sita Numberka 8-aad.

Lufta labaad ee cayaarta ayaa lagu qaban doonaa dalka Ethiopia maalinta arbacada oo ay taariikhdu ku beegantahay 16-ka bishaan, iyadoo cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya ay u baqooli doonaan magaalada Addis ababa si ay halkaasi ugu sii qaataan tababaro ku saabsan la qabsiga cimilada dalka Ethiopia.

Cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa sanadii 2002- waxa ay xulka Ethiopia ku suul daartay 1-0 oo ay guushu ku raacday Xulka Qaranka Soomaaliya kaddib markii ay ku kulmeen cayaar ka tirsan koobka Qaramada Qaaradda Afrika, waxaaan goolkaasi u dhaliyey Xidigga Max’ed Nuur Shaarkeey, inkasta oo aan sanadkan lagu darin cayaartooyda tartankaan isreeb reebka ee loogu tartamayo cayaaraha koobka adduunka sanadda 2014-ka oo lagu martigelin doonno dalka Brazil.

Sidoo kale waxaa shalay wada kulmay Xulalka kubadda cagta ee Jabuuti iyo Namibia iyadoo ay cayaartaasi 1-0  ay ku badisay xulka Namibia.

Xulalkan ayaa waxa ay u kala horeeyaan sida tan:-

Xulka Namibia waxa ay leedahay 3-dhibcood

Xulka Soomaaliya oo leh 1-dhibic

Xulka Ethiopia oo iyana leh dhibic iyo

halka xulka Jabuuti uu u hooseeyo garuubkaasi uuna leeyahay 0

Xigasho:Sonna

 

webmaster@ceegaag.com