shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Xaaladda Nololeed ee Qoys ku Nool Magaalada laascaanood ayaa ah mid aad u liidata Sawiro+Video.

(Laascaanood,  Nov 23, 2011  Ceegaag Online)

Xaaladda Nololeed ee Qoys ku Nool Magaalada Laascaanood ayaa ah mid aad u liidata Qoyskan ayaa ah 4 Ruux oo 3 kamid ahi ay Yihiin ku ka jiran dhanka Dhimirka, Xaalada dooda Guud ee Dadkan marka aad aragto waa mid naxdin leh,
 Warbaahinta Qaarkeed ayaa Booqasho ku Tagey Xaafada ay ku Noolyihiin Dadkani uu run ahaantii ah meel aad u adag waxaana halkaasi ka dhisan Buushash yar yar iyo Sandaqado Halkaas oo dadkani ku xidhxidhanyihiin,
 
mid kamid ah dadka gacanta ku haya ayaa ka dayrisay xaalada Guud ee dadkan dhan caaafimaad iyo dhan dhaqaaleba, hadana ma jirto cid ilaa imika dadkan caawisay.
Haweenayda gacanta ku Haysa dadkan dhanka dhimirka ka jiran ayaa caalamka ka codsatay in ay soo caawiyaan Umadan Muslinka ah oo Idil.


Hadaba Wixii caawinaya waxaa laga codsanayaa dadkan in ay gar gaar La soo garab istaagaan Qoyskan tabaalaysan ee ku dhaqan laascanod.
Waxaa jira in dadkan qaarkood ay xanuunkan qabeen mudo ka badan 20 sano sida ay sheegtay Haweenayda Gacanta ku Haysa .
 
http://youtu.be/PQvEaWsS1TM

Daawo Sawiradooda

Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood

 

webmaster@ceegaag.com