shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Xaalada Nololeed ee Dad barakacayaal ah oo ku sugan Degmada Xudun oo Laga Soo dayrinayo +Daaw Sawiro,

(Xudun,  Nov 20, 2011  Ceegaag Online)

Qaar Kamid ah Qurba joogta u dhalatay Gobolka Sool iyo Culimada Gobolka Ayaa ka dayriyey Xaalada Nololeed ee Dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Duleedka Degmada Xudun ee Gobolka Sool.  Kormeer ay ku tageen Culimada iyo Qurba Joogta Gobolka Sool ayay ka Dayriyeen Xaalada ay ku Noolyihiin dadkaasi, Dadkan ayaa iskugu jira dad
ka soo barakacay Koonfurta Dalka Somaliya iyo Qaybaha kala duwan ee Gobolka Sool,


Dadkan ayaa u badan dad Xoolo dhaqato ah oo Xoolohoodii ay Abaarihii ka jiray Soomaaliya ka Xaalufiyeen,
Qaar kamid ah Dadka ku dhaqan Kaamkaas barakacayaasha ayaa sheegay in xaaladooda Nololeed ay tahay mid Liidata Haayadaha Caalamiga ahna ka codsaday in ay Soo caawiyaan.
 
Dhinaca Kalena kulan ay ku qabteen degmada Xudun odayaasha iyo wax garadka deegaankaasi ayay kaga hadleen xaaladda amaan ee gobolka sool waxa ayna sheegaan in ay xaalada amaan ee degmadaasi tahay mid wanaagsan lana isku halayn karo.


Haayadaha Caalamiga ahna ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku sugan deegaankaasi.

 
Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood

 

webmaster@ceegaag.com