shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wakhtigii Shirka Khaatumo II Qabsoomi lahaa oo la dalbay in dib loo dhigo..

(Taleex,  Nov 11, 2011  Ceegaag Online) 

Shirka Wada tashiga Beelaha Dhulbahante ayaa La damacsanaa in uu si rasmi ah u qabsoomo Bisha 11-20-2011, Hayeeshee Kulamo iyo Wada Tashiyo Badan oo ka dhacay Degmada Taleex ayaa lagu go’aamiyey in wakhtiga Shirka Khaatumo Dib loo dhigo, Sababaha lagu macneeyey dib u dhigista  Shirka Khaatumo ayaa lagu sababeeyey Roobabka Dayrta oo Xidhay wadooyinka  Loo maro xarunta Taleex iyo sidoo kale Colaadaha ka Taagan Magaaladda Ceerigaabo.

Xiliga Loo Ic'laamiyey in Shirku uu Furmo ayaa isla markaana ay dalbeen odayaasha iyo wax gareadka beelaha maxamud bari iyo hinjiilo ayey ku sheegeen 19-12-2011 iyado markaasna shirka ay wakhtigaas ku soo wada xaadiri karaan dhamaan ergooyinka iskaga imaanaya Gudaha iyo dibadaba.

Waxaa Wakhti Xaadirkan ku Sugan Magaalada Taleex Ergooyin u Badan Cuqaal kuwaas oo Qayb ka ah Sii Qaban Qaabinta Shirka Khaatumo 2 Cuqaashan ayaa leh Reer kasta oo kamid ah Beelwaynta Dhulbahante. iyagoo markaana ay Shirar wada Qaadan Doonaan Maalmaha Soo socda Qaar kamid ah Garaadda Dhulbahante si loo sii meel dhigo Hanaan Socodka Shirka Khaatumo.

Wakhtigan ayaa ah mid ay odayaashu dalbadeen in dib loo dhigo hayeeshe ma aha mid la isla qaatay mar aanu la xidhiidhnay cuqaalaha Baaqa ku soo saartay in shirka dib loogu dhigo ayay sheegen in ay muhiim tahay in wakhtiga shirka dib loo dhigo.

Maxamed Cismaan C/nuur.
Laascaanood

 

webmaster@ceegaag.com