shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Waa maalin muhiim ah waana maalinta 9aad ee dul-xaj waana maalinta shabahda maalinta qiyaame waa maalintii muslimiintu taagan yihiin banka Carafo

(Carafa, Xajka.  Nov 05, 2011  Ceegaag Online)

Waa maalin muhiim ah, waana maalinta 9aad ee dul-xaj, waana maalinta shabahda maalinta qiyaame, waa maalintii muslimiintu taagan yihiin banka Carafo, oo ka mid ah rugniyada ugu waa weyn ee Xajka, ayaa waxaa taagan dad ka badan 3 malyan oo ka kala yimid dacalada aduunka.

Maanta waa maalin muhiim ah waana maalinta 9aad ee dul-xaj waxaana sooman dadka islaamka ah ee aysan u suurogalin in ay maanta taagnaadaan banka Carafo soonkaana waa sunno mu’akad ah oo loo suneeyay islaamka dhamaantiis waxaana loo dhaafaa qofkii sooma maalintaas sanadkii tagay iyo sanadka soo socda danbigiisa  khilaafna kama taagna haduu ku soo aado maalin sabti ah sida maanta oo kale.

Birrito hadii alle idmo waa maalin Ciid waana ciida ugu weyn islaamka waana maalin farxad u leh islaamka oodhan waxaana laga farxiyaa Caruurta iyo kuwa agoonta ah oo aabahood ka dhintay si ay ula ciidaan caruurta kale ee asaagood ah, waxaa ka danbeeya 3 maalin oo la yidhaahda maalmaha hilbo waradka ( xoolahaa la gawracaa).

Xujeeyda ayaa saakay Tv-yada laga arkayaa iyagoo u dareersanaya Banka Carafo kadib markii Xalay ay jiifteen halka loo yaqaano Miina, Culimada Muslimiinta ayaa sheegay in Xajka uu yahay Bisha Carafo sida Nabigeena Maxamed (NNKH) uu yiri, waxa ayna sheegeen in maanta la joogi doono Banka Carafo ilaa Qoraxda ka dhacdo.

Muslimiinta Xujeyda ayaa maanta banaanka Banka Carafo ku tukanayo Salaadaha Duhurka iyo Casirka , waxa ayna halkaasi ku baryayaan Ilaah, islamarkaana ay ku duceysanayaan. Markii Xujeyda ay qoraxda u dhacdo ayaa waxa ay u sii dareerayaan halka loo yaqaano Musdalifa halkaasi oo ay ku tukan doonaan Salaadaha Maqribka iyo Cishaha ayna ku hoyan doonaan hadii Alle idmo.

Hawada kore ee Banka Carafo ayaa lagu arkayaa diyaaraha Helicopters-ka kuwaa oo ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka Xujeyda iyadoo takhaatiirta iyo Booliska iyana laga arkayo TV-yada kuwaa oo Xujeyda ka caawinayo dhinaca ammaanka iyo gargaarka Caafimaadka.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay, dawlada Sucuudiga ayaa saartay awoodeediiugu danbeesay sidii aan Xajka wa dhibaato ahi uga dhicin, balse had iyo goor wiixii qoran ayaa dhaca oo lama baajinkaro, marka dad ilaa 3 malyan ahi meel isugu yimaadaan wax walba ayaa dhici kara,  nasiib wanaad maanta wax dhibi madhicin arintan oo u muuqata in awoodii iyo dhoola tuskii shalay  laguy najaxay.

Allow intii Xajisay u aqbal xajkooda, kuwa Muslimiinta oo aanan Xajin, Allow u sahal inay gutaan waajibka Xajka, Allow adaa weynoo Waaxid ah, Sannadkan sannadkiisa kale inoo saqir  inaan gudano Xajka Aamiin Aamiin Amiin.

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com