shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Urur ay Ku midoobeen haweenka G/Sool oo qayb ka ah Qaban Qaabadda Shirka Khaatumo oo Degmada Boocame Gaadhay +VIDEO

(Laascaanood,  Nov 03, 2011  Ceegaag Online)


W
axaa degmada Boocame lagu soo dhaweeyey haween ka anba baxay caasimada gobolka Sool ee Laascaanood, safarka haweenkan ayaa ahaa sidii ay wax garadka iyo ururadda haweenka ee degmada Boocame uga qayb gali lahaayeen qaban qaabada shirwaynaha Khaatumo 2 ee dhawaan ka dhacaya xaruunta taariikhiga ah ee Taleex.
 

Haweenkan oo ka anbabaxay Laascaanood ayaa soo dhawayn aan kala hadh lahayn kala kulmay bulshadda ku dhaqan Degmada Boocame. Sidoo kalena waxay haweenkani dhawaantan ku qabteen magaalada Laascaanood kulan balaadhan oo ay ku muujinayeen taageeradda ay u ahayaan shirka Khaatumi 2.

Isku soo wada duuba waxaaa guud ahaan magaalooyinka ay daga dadka ku abrirsadda deegaanadda Sool, Sanaag, Caytn ka soconaya olole balaadhan oo loogu diyaar garoobayo ka qayb galka shirka Khaatumo 2 oo la filayo in uu Labaatanka bishan ka furmo xaruunta Taariikhda wayn ku leh Africa ee Taleex. Shirkan ayaa waxaa Taageero iyo Soo dhawayn badan warbaahinta u marinyey Beelaha Daga SSC ku waasi oo shirkan kaga Tashanaya Aayaha iyo masiirka Umaddooda.

Daawo Soo Dhaween-taa Urur Haweenaadka ee Boocame



 
Maxamed Cismaan C/nuur
Ceegaag News
Laascaanood Office.

 

webmaster@ceegaag.com