shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

U diyaar Garowga Ciida Barakaysan ee Ciidul Adxa oo Lascanod Laga Dareemayo laascanod iyo Sicirka Doolarka oo Hoos u dhac ku yimi.

(Laascaanood,  Nov 04, 2011  Ceegaag Online)

Waxaa suuqyada Waawayn ee Magaalada laascaanood laga dareemayaa u Diyaar Garowga Ciida barakaysan ee Ciidul Adxa. Suuqayada Wawayn ee Magaalada laascanood waxaa soo Buux dhaafiyey Dadwayne aad u fara badan kuwaasi oo usoo dukaamaysi Tagey Suuqyadaasi.sidoo kalena waxaa magaalada Laascaanood soo gaaadhaya gaadiidka Xamuulka Qaada kuwaasi oo Shixnado safaro ah ka soo kala Daabulayada Dekeddaha Boosaaso iyo Berbera safarada soo gaadhaya magaalada ayaa ah kuw u badan Huga Dadku Xidho.

Sidoo kalena waxaa Saylaadaha Xoola ee Magaalada laascaanood lagu arkaya dad aad u fara badan kuwaasi oo soo iibinaya Xoolaha Alla Barriga Maalinka wayn ee Ciidul Adxaa.
Waxaa sidoo kale suuqyada magaalada laascanod laga dareemaya Hoos u dhac ku yimi Sicirka Ascaarta Gaar ahaan kan Sarifka lacagaha Qalaad iyadoo Boqolka (100)Doolar lagu kala Sarifanayo 2,700(Labo Milyan iyo Todoba Boqol oo kun Kaliya)

Hayeeshee waxaa aan weli Hoos u dhac ku imaan Sicirka Kala Duwan ee Meceeshadaha.
Iidan ayaa ah mid si wayn looga dareemayo u diyaar garowgeeda Guud ahaanba G/Sool.



Maxamed Cismaan C/nuur
laascaanood

 

webmaster@ceegaag.com