shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Roobab Si wayn Loogu Diirsaday oo ka Da'ay Degmada Taleex iyo Tuulooyin Hoos Taga.

(Taleex,  Nov 07, 2011  Ceegaag Online)

Roobaab Lixaad leh oo ka da'ay Degmada Taleex ee Gobolka Sool,roobabkan ayaa Habeenkii Xalay ahaa Ka da'ay Degmada Taleex oo ah Rugta Sida rasmiga ah loogu Qaban Doono Shirka Wada Tashiga Beelaha SSC,'
Mar aanu la xidhiidhnay Qaar kamid ah Warbaahinta ka hawl gasha g.sool oo ku sugan degmada taleex ayey noo Xaqiijiyeen in roobkani uu da'ayey mudo kor u dhaafaysa 4saacadood oo isku bixis ah waxaa kale oo ay noo xaqiijiyeen in roob kani uu ka da'ay deegaano hoos tada Degmada taleex.


Degmada taleex waxaa haatan ku sugan Ergooyin kala duwan oo ka kala tagey Guud ahaanba G.Sool kuwaasi oo u sii diyaar garoobaya sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Shirka Khaatumo labo ee Bishan 20 ka dhici Doona Degmada Taleex. Roobabkan ayaa ah Roobkii Dayrta oo Qaybo Badan oo Kamid ah G.sool ka da'ay.


Maxamed Cismaan C.nuur
Laascaanood

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com