shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 REER GALBEEDKA IYO JANNA-KA-XORAYSKA DUMARKA SOOMAALIDA 

(Denmark,  Nov 22, 2011  Ceegaag Online)

Qore: A. Xuseen, Denmark, amiirdaljire@hotmail.com 21.11.11

WAA DUMAR QOOQIS LOOGU DANAYN SHAYDAAN IYO JAHANNAMA IYO BURBURINTA UMMAD IYO QARANKOOD CADAAWAD LOO HAYO 

 Iyadoo la isla wada ogaa in burburka qarannimo tan ka daran ay tahay burburinta nafeed iyo tan dineed ee dadka Soomaalida loogu  geystey dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, ayaa si xaqiiqa waxaa isu soo taraya maal-galinta, abaabulka iyo hawl galinta ay dalalka Reer Galbeedku, siiba Denmark, ku samaynayo haweenka Soomaalida ee u diyaarkaa inay si weyn uga durkaan diinta iyo dhaqan Soomaalida.

Waxaa lagu dhaqay farsamooyinkii labadii malag ee Haaruut iyo Maaruut ee takhasus koodu ahaa kala kaxaynta lamaanaha iyadoo ay fagtiiba la magac bexeen ”Sadex Biloodley”, micnaha inay ninka iska furto sadex bilood ka dib markuu badanaaba isagu dhoofo lana soo laabto haweeney uu soo guursadey. Barhayan danbana waxay la magac baxday ”Bac Madowley”, micnaha waa tii bacda madaw ee dharku ugu jiro odaga dibadda u dhigeysey saasna ku fureysey.

Halkaas waxaa ku lumay reernimadii reerkaasi Soomaaliyeed oo ay u badan tahay inuu dhammaan tiis u lumo dhaqan ahaan, shaqsiyad ahaan, caafimaad ahaan iyo diiniyan oo ah tan ugu daran. Halkaasna waxaa meeshaas ku lumay dadkii Soomaaliyeed ee rajada laga qabey inay mar uun ummadda  meel uga soo baxaan.

Intaas oo dhan wali waxay ahaayeen caano iyo nabad! Unug yadaasi abaabulan ee  u badan dumarka, laga roonayaalna waa ka mid oo aad u soo badanaya ururana loo sameeyey, waxaa loo adeegsadey in lagula dagaalamo oo lagu laayo raga Soomaalida ee ah qunyar socodka ee aan ku dagdagin ku-dhex-milanka dhaqamada dalalka Reer Galbeed iyadoo ay isku awro gacsanayaan unug yadaasi/ururadaaasi iyo dalkii abaabushey:

1-      Dumarkaasi noocaasa waxay u tahay inay ka aarsanayaan raggii Soomaaliyeed ee ay shaydaanka iyo kuwa abaabushey ugu sheegeen inay adoonsan jireen;

2-      Dalka abaabusheyna waxay u tahay la dagaalanka Islaamka iyo Muslimiinta siiba midkaan u dhaqmayn si loo adeegsan karo wixii la doono dalka markaasi la joogo iyo kii laga yimidba.

Unug yadaan waxaa la gaarsiiyey in loo qalabeeyo sida booliska iyo sirdoonka dalka si ay dabagal iyo ilaalo buuxda ugu hayaan raga (iyo macquul dumarka qaarkiis) wax kaga sii fara adaygaya diinta iyo dhaqanka. Waxay u qalabaysan yihiin inay degaannada xitaa ay basaasi karaan lana socdaan guriga ama xafiiska gudihiisa waxa ka socda, iyagoo shaqsi kasta iyo xafiiska ka helaya taageerada ay u baahdaan sida furayaasha guryaaha si qofku markuu maqan yahay loogu farsameeyo drugs saamayn ku sameeya qofka sidaasna looga gaaro dano gurracan oo laga yeeshay.

Waxaa oo dhan waxay dumarka Soomaalidu u marayaan inay la tallaabsadaan dimoqraadiyadda lagu sheegay inay xoraysay shaqsiga siiba dumarka kana xoraysay diimaha siiba Islaamka. Laakiin waxaysan u fiirsan ama aanay aqoon buuxda u helin inay dimoqraadiyaddu qofka u xoraysay is dilka/suicide, inay ka xoraysay jannada oo u xoraysay jahannamada, in manta gabadha Reer Galbeedka uu abaahiyo xayawaan kasta laguna cufo shay kasta dunida guud keeda. Bisinka sii qabsoo bal eeg bogga: xxxxxxx (asluubayn) ee soo bandhigi doona dhabarka dimoqraadiyadda in shaa Allaah. Ha la kordhiyo dumarka culimadaa ee ka muxaadarayn kara dunida Reer Galbeedka. Waa degdeg!! Ama galbataye ogooooow!

 

webmaster@ceegaag.com