shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Qaar kamid ah Cuqaasha beelaha Maxamuud Garaad oo shir ugu gaba-gaboobay Magalada Taleex.

(Taleex,  Nov 15, 2011  Ceegaag Online)

Waxaa Degmada Taleex u Shir ugu Soo Gaba Gabooy Qaar kamid ah Cuqaasha beelaha Maxamuud garaad Shirkaasu uu So guul ah ugu soo Gaba Gaboobe,kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen  Cuqaashii Shirkaasi sida wada jirka ah u qabatay iyo dadwayanaha reer taleex ayaa ka dhacay Xaruunta Taleex kaasi oo ay kaga warbixiyeen waxyaabihii shirkaasi uu ku saabsanaa.
 
Shirkan ayaa waxaa Ka hadlay Caaqil Axmed Hoolif oo ka tirsan Cuqaasha ugu faca iyo magaca wayn ee deeganadda SSC isagoo Sheegay in xiliga Shirku uu Haatan Raagay Kana Raagay Dhamaan Umada Dhulbahanta Ka dibad jooga iyo ka Dalka Jooga Intaba, Isla markaana waxa uu Caaqilku Sheegay in ay Soo dhawaynayaan dhamaan ergooyinka ka qayb galaya shirkan.
 
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada ee Shirka Khaatumo 2 Waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in ay Kulan wada qaataan Cuqaasha Beelaha maxamuud garaad,
 
Kulankan ayaa ahaa mid soconayey mudo.

Daawo Cajaladii Shirkaa


 

Maxamed Cismaan C/nuur.
Laascaanood.

 

webmaster@ceegaag.com