shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Qaar Kamid ah Ardayda Jaamacadda Nugaal oo Olole Nadaafadeed ka sameeyey Laascaanood+Sawiro

(Laascaanood,  Nov 17, 2011  Ceegaag Online)

Olole Balaadhan oo Qashin Guris ah ayaa Maanta laga sameeyey Xaruunta G/Sool ee laascaanood, ololahan oo ay soo qaban aabiyeen ardayda wax ka barata Jaamacadda Nugaal University ayaa waxaa saaka lagu arkayay Ardayda Jaamacada OO iyagu kaguraya Gudaha Xaafadaha Magaalada Laascaanood
 
Sidoo kale waxaa Qashin Guristan Ka qayb Qaadanayey Gaadiidka Dowladda Hoose ee Degmada Laascaanood kuwaasi oo caawinayey Ardayda wax ka barata jaamacada Nugaal.
ololahan qashin gurista ah ayaa bil kasta mar ka hirgeliyaan gudaha laascaanood ardaydani iyago markaasna sheegay in ay Meelaha ay qashinku ku badanyihiin ka hawl galaan,
mana aha markii u horeysey ee ay Ololahan Qashin gurka ah ka sameeyaan magaalada laascaanood,
 
Sidoo kale Qaar kamid ah Maamulka Jaamacadda Nugaal ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in ardayda wax ka barataa Jaamacadda Nugaal ay Gobolkooda ka hawl galaan iyago markaasi ka shaqaynaya nadaafadda Deegaankooda.
Qaar kamid ah Ardayda Qashinkan Gurayey ayaa warbaahinta u sheegay in aay aad ugu faraxsanyihiin in ay Gobolkoodii ka sameeyaan Olole kor loogu soo qaadayo Bilicda Lagagana Hortagayo Cuduradda Faafa.


 

Maxamed Cismaan C/nuur.
Laascaanood.

 

webmaster@ceegaag.com