Olale balaadhan oo Nadaafadeed ayaa maanta ay ka bilaabeen gudaha magaalada Laascaanood Dalada Haweenka ee  Hanaqaad, oo kaa shanaysa hayada NPA. Olalahan Nadafaadeed oo loogu magacdaray Olalaha Nadaafada ayaa waxaa maalgelisay Hay’ada NPA  iyadoo dalada Haweenka ee Hanaqaadna ay markaasi fulinaysay.

Olalahan nadaafadeed oo ay ka qayb qaadanayeen ardayda wax ka barata iskuul ay dhigaan  Hanaqaad iyo sidoo kale xoogsato aad u tira badan ayaa qashinka lagaga urruuriyay dhawr goobood oo qashinku ku badna oo kamid ah gudaha magaalada laascaanood. Sidoo kale olalahan nadaafadeed ee Daladu waday waxaa dhinac socday furitaanka Musqulo ay daladu ka dhistay qaybo kamid ah magaalada oo dad danyara deganyihiin.


Xaliimo oo kamid ah masuuliyiinta Dalada Haweenka Hanaqaad ayaa ka warbixisay barnaamijkan iyadoo Xaliimo sheegtay inay olalahan ay qabanayaan markii 2aad taasoo ay daladoodu fulinayso isla markaana ay maalgelisay Hay’ada NPA. Xaliimo sidoo kale waxay ka warbixisay Suuliyo( Musqulo) ay daladu ka dhistay xaafadaha dadka danyartaa ku noolyihiin ee magaalada Laascaanood kuwaasoo sidoo kale ay lacagta lagu dhisay ay maalgelisay isla Hay’ada NPA.

Olalahan noocanoo kala ahaa ee ay  ka qayb qaadan jireen Dawlada Hoose ee Degmadu balse olalahan saaka waxaa uu ku koobnaa dalada Haweenka Hanaqaad. Wuxuuna ku soo beegmayaa xilli lagu jiro xilli Roobaadkii Deyrta taasoo ay meelo badan oo magaalada kamid ah ay tuulanyihiin qashin aad u tiro badan.


Daladan Haweenka Hanaqaad ayaa inta badan waxay xooga saartaa wax ka qabashada arrimaha hoose ee bulshada Laascaanood iyadoo taageero dhaqaale ka helaysa Hay’ada NPA xafiiskeeda Laascaanood.

Maxamed Cismaan C/nuur
laascaano