shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Maxaabiis reer Sool ah oo taabacsanaa maamulka Somaliland oo maamulka Puntland cafis u fidiyay

(Laascaanood,  Nov 23, 2011  Ceegaag Online)

Waxaa magaalada Laascaanood soo gaadhay qaar kamid ah maxaabiis dhawaantan lagu qabqabtay duleedka degmada Taleex ku waasi oo xilal kala duwan ka hayey maamulka Somaliland,  waxaana gacanta ku dhigay ciidamo ka socday maamulka Puntland oo amar ka watay madaxwayne ku xigeenka maamulkaa.

Maxkamada darajada 1aad ee Puntland ayaa xukuno kala gedisan oo iskugu jira xadhig gaadhaya Shan ilaa Toban sanadood horay ugu kala xukuntay ragan iyagu dhalasho ahaan kasoo jeeda Magaalada Taleex.  Mudo kadib madaxwayanah dowlad goboleedka Puntland mudane Abdirahman Sh.Mohamed Faroole ayaa cafis u fidiyey kadib codsiyo kala gedisan oo ay u gudbiyeen cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada Taleex.

Masuuliyiintan oo kaga dalbanayey in la siii daayo maxabiistaasi, kadib cafiskii madaxwayanaha Puntland waxa ay ku soo guryo noqdeen  Laascaanood. Nimanka Maanta cafiska loo fidiyey ayaa xilal kala gedisan ka hayay maamulka Somaliland. waxaana kamid ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda G.Sool, Gudoomiyihii Waxbarashada G.Sool,Xeer ilaaliyaha Gobolka Sool, iyo Ilaaladoodii.

Waxaa xiligii la qabtay lala qabtay gaadiid koodii oo dawladeed ee  Somaliland ku waasi oo ay la wareegeen saldhigyada Garowe ee maamulka Puntland.

Daawo Muuqaalka sii daynta ragan reer Soolka ah

 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com