shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaabiis Laga Qabqabtay Somaliland oo Xoriyaoodi Helay oo ka Warbixiyey Qaabki Loola Dhaqmi Jiray.

(Laascaanood,  Nov 28, 2011  Ceegaag Online)

Magalada Laascaanood e xarunta gobalka Sool ayaa waxa soo garay Gudoomiyihii.wasarada waxbarashada   xeer ilaaiyaha guud ee maxakamada  iyo garsoore ka tirsan maxkamada racfanka ee G/sool. Masuuliyintan ka tirsan Somaliland  oo  howlashaqo  ugu socday magalada Taleex  oo 4 bilood kahor ay ka qafaasheen maamulka PL meel ku dhaw magalada Taleex.

Ayaa waxa ay ka warbixiyeen sida loola dhaqmay inta ay ku xirnaayeen xabsiga magaalada Garoowe iyo dadkii kadambeeyay Xarigooda. Kulnkan ka dhacay xarunta gobalka ayaa waxaa Ugu horen   kulankan ka hadlay G,Gobalka sool Maxamed Maxamuud Cali oo siwen usoo dhaweeyay Masuuliyint isagoo sheegay in aanay garanayn sababta keentay in maamulka Puntland  uu jidgooyada u dhigto.

Dhincakale waxaa isna ka hadlay kulankan  G/hore ee maxkamada racfanka Salad Ismaaciid Maxamuud oo sheegay weerarkan lagu soo qaday in  uu ka dambeeyay M/Kuxigenka PL. Mudane Cabdi Samad Cali Shire  isla markaana ay Ciidamada Qafaashay uu amarka soo siiyey madaxwayne ku xigeenku.

Maamulka Somaliland ayaan ilaa imika ka hadlin Qafaalashada Masuuliyiintooda hayeeshee waxaa jira in ay maamulka Puntland kala hadheen gaadiidkii ay wateen masuuliyiinta ka socday Somaliland.

 

Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood

 

webmaster@ceegaag.com