shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Masuuliyiin Ka kala soday Haayadaha NPA--iyo  SVO ayaa Kormeer ku Tagay Qaybo kamid ah G/Sool kuwaasi oo soo indho indhaynayey Wax qabadyo ay Haayaddaha SVO iyo NPA ka wadeen Qaybo kamid ah G/Sool.

(Laascaanood,  Nov 14, 2011  Ceegaag Online)

Goobaha ay Booqdeen waxaa kamid ahaa Tuulada Xaangeeye oo ay labadan haayadood ka hirgeliyeen Barkad iyo Dhaamamka Biyaha Cesha, intaas kadib waxa ay Tageen Tuulada Sarmaanyo oo ay dhawaantan kusoo gaba Gabeeyeen Ceel riig ah kaasi oo ay si rasmi ah ugu wareejiyeen Wax garadka Deegaanka Sarmaanyo.

Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanka sarmaanyo ayaa si wayn u soo dhaweeyey haayadaha NPA iyo SVO kuwaasi oo ay tilmaameen in ay wax qabadyo la Taaban karo ka hirgeliyeen Deegaanka Sarmaanyo. Intaas kadib waxa ay Soo Xidheen Tababar ka soconayey Sarmaanyo kaasi oo la xidhiidhey Faya Dhawrka Biyajha waxaana Halkaasi ka hadlay Qaar kamid ah masuuliyiinta Haayadda NPA.

Ugu danbayn waxa ay kulan balaadhan la qaateen Bulshada ku dhaqan Deegaanka Laasa Curdan oo ka tirsan G/Sool halkaasi oo ay Labada Haayadood kula hadleen Dadka Deegaanka. Waxa ay Safarkooda ku soo gaba Gabeeyeen Deegaanka Faliidhyaale oo ka tirsan G/Sool oo Haayada SVO oo kaashanaysa NPA ay ka Hirgelinayso Ceel Riig ah.

 

Maxamed Cismaan C/nuur.
Laascaanood.

 

webmaster@ceegaag.com