shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Widhwidh ee gobolka Cayn ayaa shiri ugu soo gaba gaboobey beelaha Faarax Garaad.

(Widhwidh,  Nov 28, 2011  Ceegaag Online)

 

Magaalaa Widhwidhna waxaa ku soo Gaba Gaboobey Shir Dhawaanahanba u soconayey Beelo kamid ah kuwa Daga Gobolada Sool, Sanag Iyo Cayn Shirkaas oo u jeedkiisu ahaa Taageerista Shirka Khaatumo 2 iyo Turxaan Bixinta Beelaha Faarax Garaad kuwaasi oo isugu yimi shirkii ka dhacay widhwih,

Waxa ayna Dhamaantood isku raaceen in ay si buuxda u taageersanyihiin Shirka Khaatumo 2 iyo Shirkii ay Dhawaantan Yeesheen Beelaha Maxamuud Garaad ee Isna ka dhacay degmada Taleex.

Waxaa ay shirkaasi ka soo saareen Qodobo ay kami ahaayeen Taageerista Khaatumo 2

Isu Calool Fayownaanta Beelaha Faarax Garad

Isu Tanaasul ay ugu Baaqeen Baalaha Dhulbahante oo la xidhiidha Beelaha kala Sheeganaya Xurgufaha,

 

Hoos Ka Daawo VIDEO-Kii Shirka WIdhwidh.

 

Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood

 

webmaster@ceegaag.com