Maanta waa maalintii koowaad ee munaasabadda Ciidul Adxaa, ayaa waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dabaal degay guud ahaan Muqdisho iyo gobolada dalka, waxaana masjidka Isbaheysiga lagu dukaday salaada Ciidul Adxaa, iyadoo jameecadii dukaneysay uu ka mid ahaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah madaxda Dowladda KMG ah.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday Munaasabadda Ciidul Adxa, iyadoo waaberigii hore ee saakay la arkaayay caruur fara badan oo wata Alaabta ay caruurta ku ciyaaraan xiliga Ciidda.

Ciidul Adxa ayaa ah ciid ummada Muslimiinta ah ku weyn, iyadoo dadka Soomaaliyeed isugu hambaliyeenayaan Munaasabadan Ciidul Adxa ee Umada Muslimiinta ku weyn, waxaana bilowday in la iska waco guryaha si hal meel loogu ciido.

Magaalada Muqdisho waxa maanta si wayn looga dareemayaa farxada Ciidu Adxa, iyadoo wadooyinka waaweyn ee Magaalada Lagu arkayo dad aad u fara badan oo u dabaaldagaya Munaasabadan Caruur farabadan iyo waalidiintooda.

Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxa lagu soo waramayaa in dadku ay si aad ah u ciidayaan iyagoona isugu hambaliyeenaya Munaasabada Ciidul Adxa gobolada dalka oo dhan, mana jirto ilaa iyo hadda wax isku khilaafay Munaasabadda Ciidda, iyadoo masaajidada Soomaaliya laga wada oogay salaada Ciidul Adxa.