shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

(Khartuum,  Nov 17, 2011  Ceegaag Online)

Wafdiga madaxweynaha oo wasiirro iyo mas’uuliyiin kale ka koobnaa ayaa waxaa garoonka diyaardaha caalamiga ah ee magaalada Khartuum ku soo dhoweeyay dhiggiisa dalkaasi mudane Cumar Xassan Al-Bashiir iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan.

Madaxweyne shariif  ayaa halkaasi salaan kaga qaatay cutubyo ka mid ah Baambeeyda Suudaan, kadibna waxa ay u gudbeen isaga iyo wafdigii la socdayba aqalka madaxtooyada dalkaasi oo kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiin uu ugu horreeyo madaxweyne Al-Bashir.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com