shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan Ay iskugu imaanayaan Cuqaasha beelaha Maxamuud Garaad Oo Taleex ka Furmaya Berri.

(Taleex,  Nov 11, 2011  Ceegaag Online)

Waxaa Maalinta Beri ah Ka dhici Doona Xaruunta Taleex Shir Balaadhan oo ay wada Qaadanayaan Dhamaan Cuqaasha iyo wax garadka Beelaha Maxamuud garaad, Kulankaas oo ay Cuqaashan iyo Waxgaradku Kaga Hadli Doonaan Dhaqaalaha ay Beelo ahaan ugu Talageeleen qaban Qaabadda iyo inta uu shirku socda iyo weliba ergooyinka Uga qayb Qaadan Doona shirkan.

Mar aanu la xidhiidhanay Qaar kamid ah Cuqaasha ayay Noo Xaqiijiyeen in Arimaha Ugu waaawayn ee ay kaga Wada Hadlayaan Shirkani uu Yahay Ergooyinkii Uga Qayb geli lahayd shirka Khaatumo II.

Waxaa Magaalada Laascaanood ee xaruunta Gobolka Sool laga dareemaya u diyaar Garow balaadhan iyo Waliba dad aad u tiro badan oo ka sii Qul Qulaya Laascaanod kuwaas oo kusii jeeda Xarunta taariikhiga ah ee Taleex, Waxaa kale oo magaalada taleex haatan ku sugan Gudigii Qaban Qaabadda Shirka Khaatumo II.

Xiliga Shirarkan ay wada Qaadanayaa  Cuqaasha Beelaha Maxamuud garaad ayey kusoo beegmaysa xili dib u dhac uu ku yimi Shirka Khaatumo 2 iyadoo shirkana uu Qabsoomi Doono `19-12-2011.

Maxamed Cismaan C/nuur.
Laascaanood

 

 

webmaster@ceegaag.com