shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Ku Dhawaad 560 Qoys oo Barakacayaal iyo Danyar isugu jira oo Deeq Qalab ah Laascanod Loogu qaybiyey

(Laascaanood,  Nov 07, 2011  Ceegaag Online)

Haayadda NPA oo kaa Shanaysa Ururka Hanaqaad ayaa Si wada Jir ah waxay Deeq Ka Kooban Agabka Loo Isticmaalo Guryaha Gudoonsiiyeen Dadka Ka soo Barakacay Goboladda Koonfureed ee Dalka Somalia.
Mashruucan waxaa Maal Gelinaysey Haayadda NPA waxaana Fulinta Lahayd Hanaqaad,Dadka Barakacayaasha ah Ayaa si wayn usoo Dhaweeyey Deeqdan Saaka La gudoonsiiyey, Geesta Kale Masuuliyiin u Hadlay Labadan Haayadood ee Iska Kaashanaya Fulinta iyo Maalgelinta Mashruucan ayaa Isla Qaatay in Mashruucanu uu yahay kii 3aad ee Laga Hirgelyo Gudaha Lascanod ee ay si wada jir ah u fuliyaan Labadan Haayadood.


Haayadda NPA Masuuliyiin u Hadley ayaa Sheegay in Sanadda 2012--2015 ay Hawlaha ay ka Qabtaan Goboladan u Badali Doonaan Horumarla Bulshadda iyagoo markasna xusay in ay Dhawaan ka bilaabi Doonaan Deegaanka Faliidhyaale ceel riig ah.


waxa ay dhawaantan Haayadda NPA oo Kaa Shanaysa SRO iyo SVO ay Ceelal Riigag ah ka hirgelisay Deegaanadda Ceegaag iyo Sarmaanyo Waxaa kale oo ay Mashruuc Lagu Caawinayo Dadka Tabaalaysan ka hirgelisay Deegaanka Laasacurdan kaasi oo ay fulinta lahayd SVO.

Daawo Sawirada


Maxamed Cismaan C.nuur
Laascaanood.

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com