shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Hayaag ee Washington Seattle  oo shir wadatashi ah isugu yimid isla Magaaladaasi.

(Seattle, Washington.  Nov 29, 2011  Ceegaag Online)

Shir ay soo abaabuleen Jaaliyada  Hayaag ee Washington Seattle, oo ay ka soo qaybgaleen badanaa beesha  Hayaag ee dibada iyo gudahaba dhinaca Xiriirka Taleefoonada ayaa ka dhacay isla magaaladaa Washington Seattle.

Shirkan oo lagaga arinsaday doorka ay reer Ceegaag doonayaan inay ka qaataan shirka wadatashiga ee beelaha Dhulbahante loo balan sanyahay magaalada Qadiimiga ah ee Taleex(Rugta Daraawiisheed) iyo.

Sidii cidii doonasa Hayaaga reer Itoobiya ee raacay Safarkii loogu guuray dhulka Wabiyada ee ku magac dheeraa ‘Salamadhle’ iyo kiwii jabkii daraawiisheed kadaba geeyeen ugu soo guryo noqon lahayeen Caro Dhulbahante siiba magaalada dhismasa ee Ceegaag.

Shirkan oo ahaa mid alabaabadu u xirnaayeen saxaafadana aan lagu casuumin ayaa waxaa ka soo baxay laba qodob oo saxaafada laagu talo galay waxayna kala yihiin.

  1. In si mugwayn looga qaybqaato midaynta Beesha Dhulbahante Guud ahaan gaar ahaana Isbahaysiga Baho Nugaaleed.
  2. In loo diray laba Oday oo kala ah Jiif Caaqil Xasan Aadan Xussein iyo Kornayl Cabdirashiid Cumar Cali magaalooyinka Nagayle, Ceelkare, Herar iyo Giindher si ay ugasoo kexeeyaan ergo 50 oday ah oo doonaya inay safar ku yimaadaan caro Dhulbahante markii u  horaysay mudo ka badan 100 sanadood qaarkood qaarna ilaa 300 oo sanadood.

Cabdicasiis Maxamed Cali Abokor

 

webmaster@ceegaag.com