shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Hayadaha SVO iyo NPA ayaa Dad Barakacayaal ah Iyo Danyar kudhaqan Degmada Xudun Qalabka Agabka Guryaha Kaqaybiyay

(Xudun,  Nov 21, 2011  Ceegaag Online)


Isbuucan Gudihiisa ayay ahayd markii laga soo dayrinayey xaalada Nololeed ee Dadka Barakacayaasha ah ee ku Nool Degmada Xudun ee Gobolka Sool, Haayadaha NPA iyo SVO oo iskaashanaya ayaa noqday Haayadihii Ugu Horeeyey ee Gar gaar Gaadhsiiya Dadkaasi
.


Dadkan ayaa ahaa dad danyar ah isla markaana waxa haystey daruufo kala gedis oo u badan Dhanka Hoyga,
haayadaha NPA iyo SVO oo iskaashanaya ayaa Dadkaasi gaadhsiiyey Qalabka Guryaha loo Adeegsado oo ay kamid ahaayeen Bustayaal,Marakaneecooyin,iyo Bacaha Roobka Lagaga Gabaadsado oo ay weheliyaan Maacuun .
Intaas kadib masuuliyiinta Haayada SVO oo Deeqdaasi bixinayey waxa ay Kormeer ku soo mareen 9Suulu*Musqulood* oo ay u sameeyeen dadka Barakacayaasha ah.


Dadka Barakacayaasha ee Kudhaqan Degmada Xudun ayaa siwayn usoodhaweeyay Deeqdan ay hayada wadaniga ah ee SVO iyo NPA ay gaadhsiiyeen,iyagoo xiligan siwayn ugu baahnaa
. Deeqdan ayaa waxa kawar bixiyay cabdi kariim Siciid Awcabdi oo kamid ah hawl wadeenada hayada Wadaniga ah ee SVO isagoo xusay inay deeqdani kamid tahay Deeqihii ay dhawanahan kasooqaybinayeen qaybaha kala duwan ee gobolka Sool.


Mahan markii uhoraysay oo hayadaha SVO iyo NPA ay deeq noocanookale ah ay kaqaybiyaan Degmada Xudun Ama deeganada kale ee hoostaga Gobolka Sool,Dhawaantan ayay ahayd markii ay Deegano hoostaga ay kaqaybiyaan Deeq ah Qalabka Guryaha
 

Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood

 

webmaster@ceegaag.com