Degmada Yagoori oo ka tirsan gobolka Sool waxaa saaka gelinkii hore ka dhacay dil hal askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland kaasi oo ka soo jeeda deegaanka Yagoori sidoo kale dilkan waxaa gaystey askar ka tirsan maamulka Somaliland kuwaas oo deegaan ahaan ka soo jeeda deegaanka Burco.


Sidoo kale dilka askarigan ayaa waxaa uu ka danbeeyey kadib markii ay askartani xalay isku af dhaafeen sida la sheegay soo galitaanka degmada Yagoori kuwaasi oo loo diiday inay gudaha u soo galaan deegaanka Yagoori taasina waa ta keentay in ay maanta weerar ku soo qaadan ciidama Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Togdheer gudaha degmada Yagoori isla markaana ay askarigan ku khaarajiyaan. Askartan dilka gaysatey ayaa qayb ka aha askartii laga soo raray deegaanka kalshaale


Kadib dilkan ayaa waxaa isbedel guud ahaanba jawiga degmada Yagoori iyadoo markaasna dagaal lala galay askarta iyadu dilkan geysetay halkaaasi oo ay ka dhacday khasaaraha dhaawaca hal ruux oo kamid ah shacabka degmada Yagoori kaasi oo lagu dabiibayo isbitaalka wayn ee magaalada Laascaanood. Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo ciidamo deegaanka Sool  ka soo jeeda ayaa gaadhay degmadaasi si ay u dejiyaan xaalada dagaal ee ka taagan yagoori.


wixii war ah ee ka soo kordha iyo muuqaalka guud goor dhow ka eeg \ceegaag.com
Maxamed Cismaan C/nuur
laascaano