shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Haayadda IRFAN oo Fadhigeedu Yahay Wadanka KANADA ayaa Deeq Xoolo Nool ah Ka qaybisey G/Sool.+DAAWO SAWIRRO.

(Laascaanood,  Nov 13, 2011  Ceegaag Online)

Haayadda Ifran Canada ayaa Adhi ay ugu talo Gashay Dadka ka soo barakacay Koonfurta Dalka Somaliya iyo Xaruunta Agoomaha iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Isbitalka Wayn ee Magaalada laascaanod  Maanta si rasmi ah ugu wareejisay dadkaasi,
 
Haayadda oo Kaa shanaysa Ururka Somali Progressive Development Organization Xafiiskiisa Laascaanood ayaa maanta si rasmi ah loogu qaybiyey Dadkii loogu Talo Galay,adhigan ayaa Badankooda waxaa lagu gawracay Goobo ay kamid ahaayeen isbitalka wayn qaybhihiisa TB(Qaaxadda)iyo bukaan jiifka iyadoo Masuuliyiinta Isbitaalkuna ay aad u soo dhaweeyeen Wax qabadkan ay Haayadda Irfan ka qaybisay Gudha G/Sool.
 
Sidoo kale Xaruunta Agoomaha ee Magaalada Laascaanod ayaa deeqdan lagu wareejiyey Maamulka Gacanta ku haysa Xaruunta Agoomaha ee Magaalada lascanod iyagoo markaana sheegay in Caruurta agoonta ah ee ku sugan xaruuntaasi ay aad ugu Baahnaayeen Xoolahan Nool ee Haayadda Irfan soo gaadhsiisey.
 
Dadka Danyarta ah ayaa iyaguna waxa ay aad u soo dhaweeyeen deeqdan Xoolaha Nool ah ee Hayadda Irfan soo Gaadhsiiyey iyado dhawaantana Haayadda Irfan ay dadka Danyarta ah iyo kuwa barakacyasha ah ay u Qaybisay Raashinka Noocyadiisa Kala Duwa.


 
Maxamed Cismaan C/nuur.
Laascaanood.

 

 

webmaster@ceegaag.com