shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Haayadda Bisha Cas oo Qalab Gudoonsiiyey Dowlada Hoose ee laascaanood+DAAWO SAWIRO

(Laascaanood,  Nov 22, 2011  Ceegaag Online)

Haayada Bisha Cas Xafiiskeeda Laascaanood ayaa maanta Si rasmi ah Dowladda Hoose ee degmada Laascaanood ugu Wareejisay Qalab, Qalabkan oo ka koobnaa Kaaryoono, Majarafado, Fargetoyin ayaa masuuliyiinta Haayadda Bisha Casi waxa ay Sheegeen in Ay dowladda Hoose Ka codsatay in Haayada Bisha Casi Qalabkaasi ka caawiso.
 
 
Madasha Qalanbkan ay Kula Kala Wareegayeen Haayada Bisha cas iyo dowlada Hoose waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyey Masuuliyiinta dowlada Hoose iyo Masuuliyiinta Haayadda Bisha Cas xafiiskeeda Laascaanood.
 
Daakir Maxamed Warsame oo ah Wakiilka Haayadda Bisha Cas ee G/Sool ayaa sheegay in Haayaddda Bisha Cas Xafiiskeeda laascaanood uu ku hawlanyahay sidii uu u hormarinlahaa guud ahaanba gobolka Sool qalabkana ay keeneen kadib markii ay arkeen Masuuliyiinta dowlada Hoose oo qashinka faraha kula jira.
 
''Qalabkani waxa uu yimi Kadib markii ay Codsiyo noo Soo direen Masuuliyiinta dowlada Hoose anana waxaanu ku dadaalaynaa in aanu Horumarka Gobolka Ka qayb Qaadano"""ayuu yidhi Daakir Maxamed Warsame oo ah Masuulka Haayada Bisha Cas.
 

Dhawaantan ayay ahayd markii Haayada Bisha Casi ay Gudaha Laascaanood ku soo Gaba Gabaysey Hawl gal ay kula Dagaalamayeen Bacaha.
 

Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood

 

webmaster@ceegaag.com