shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Haayadaha NPA iyo SVO ee Deeg Agabka Guryaha ah gaadhsiiyey in kabadan 150 Qoys oo ku Tabaalaysan Deegaano Hoos Taga Taleex-Daawo Sawiro

(Laascaanood,  Nov 03, 2011  Ceegaag Online)


 
Haayadaha SVO iyo NPA ayaa Qaybo kamid ah G/Sool waxay ka Qaybiyeen Caawimo Ka koooban Non Food Items*Kuwaasi oo ka koobna Qalabka Guryaha Loo Isticmaalo(Maacuun) Bustayaal,Marakaneecooyin iyo Bacaha Roobka, Tuulada Laasco-Curdan oo ka tirsan Degmada Taleex waxaa maanta gaadhay masuuliyiin ka socday haayadda wadaniga ah ee SVO.


Dadka ku dhaqan Tuulada Laasocurdan ayaa si wyan u soo dhaweeyey Agabkan la soo gaadhsiiyey waxaana ka faa'iiday sanayey ku dhawad 150 Qoys oo ah Dadka ku Nool Tuuladaas iyo Miyiga Hoos yimaada.
Haayaddahan ayaa inta badan ku hawlan sidii ay wax qabad muuqda uga hirgelin lahaayeen Deeganadan.


NPA ayaa waxa ay dhawaantan soo gaba gabaysey Labo Ceel riig oo ay ka kala wadey Ceegaag, iyo Sarmaanyo oo ay labadaba ku guulaysteen inay biyo ka keenaan. cvHaayadahan SVO iyo NPA ayaa Waxa ay waxqabadyo dhanka Tababarada La xidhiidha Wacyi gelinta iyo Faya Dhawrka ka sameeyey Deegaano ay kamid yihiin, Ceegaag, Higladda iyo Yagoori dhawaan soo gaba gabaysey.


Daawo Sawiraddii Deeqa-daa


Maxamed Cismaan C/nuur
Ceegaag News
laascaanood Office

 

webmaster@ceegaag.com