shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Guud ahaanba G/Sool oo Si wayn looga Dareemayo Curashadda Roobabka Dayrta

(Laascaanood,  Nov 04, 2011  Ceegaag Online)

Guud ahaanba G/Sool oo Si wayn looga Dareemayo Curashadda Roobabka Dayrta. Guud ahaanba Gobolka Sool ayaa si wayn looga Dareemayaa Curashadda Roobabka Dayrta iyadoo Qaybo badan oo kamid ah G/Sool'na ay ka da'een roobaabka Dayrta, Magaalooyinka Boocame, Gambadhe, Dalyare, iyo Agagagaarka Degmada Tukaraq ee G/Sool ayaa lagu soo waramayaa inay ka de'een roobaab Mahiigaan ah kuwaasi oo ay ku diir sadeen dadka iyo Duunyada ku dhaqan Aagaasi dhaqan.

Roobabkan ayaa Curashadooda waxaa Yana Laga Dareemayaa Caasimada G/Sool ee Laascanood Iyadoo koonayaasha Magaaladana ay jiraan Hoglo'roobab ah oo Ka da'ay. Xiligan Roobabku Da'ayaan ayay ku soo beegmaysa xili Dadka iyo Duunyaduba ay aad ugu baahnaayeen raxmaadka Alle.

Isku soo wada duuboo Roobabkan ayaa ah kuwii Dayrta Hayeeshee Dadka iyo Duunyada ku dhaqan Gobolka Sool ayaa si aad ah ugu riyaaqsan Raxmaadka eebbe. Mar aanu la xidhiidhna Dad Ku dhaqan Deeganadda Kor ku xusan ayay Noo Xaqiijiyen inay roobabkani yihiin kuwo si wayn loogu diirsaday.

Maxamed Cismaan C/nuur
Ceegaag News
Sool region las-anod Office.

 

 

webmaster@ceegaag.com