Kadib Dilkii ka dhacday degmada Yagoori ee gobolka Sool waxaa magaaladaasi kusii qul qulayey ergooyin ka kala socda Burco iyo Laascaanood kuwaasi oo ka shaqaynayey sidii nabad loo kala dhex dhigi lahaa ciidamo maanta gelinkii hore ku dagaalamay
,
Maanta gelinkii danbe ayaa waxaa shil gaadhi uu ka dhacay duleedka Yagoori. Gaadhisaasi oo ahaa baabuurta dagaalka oo ay lahaayeen askarta Somaliland kuwaasi oo deegaan ahaan a soo jeeda gobolka Sool,
 
Shilkan gaadhi waxaa ku dhaawacmay 8 Askari mid kalena waa uu ku geeriyoodey shilkaasi, dadkan dhaawucu soo gaadhay waxaa kamid ahaa Ibrahim Ashkir abaanduulihii ciidamda Somalialand ee saldhiga 7aad oo ah mid ay taliskiisa maamulaan Askar u dhashay gobolka Sool. Dhaawacyada Askartan ayaa ah kuwo aadu u daran

www.ceegaag.com