shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Agab Isboorti oo Maanta la Gudoonsiiyey Kooxda Kubadda Cagta ee G/Sool+Sawiro

(Laascaanood,  Nov 17, 2011  Ceegaag Online)

Agab Ciyaareed ayaa Maanta Si rasmi ah loo Gudoonsiiyey Dhalinyaradda Kubadda Cagta ee gobolka Sool,Agabkan ayaa ka koobnaa garamaanta Kubada lagu Ciyaaro oo Xadidkoodu gaadhayo 36 Isku Joog iyo sidoo kale 3 Kubadood,waxaa Agabkani ay Qayb kayihiin Agab Loogu talo Galay in ay Kooxda Kubadda Cagta ee G/Sool ee Ka qayb Galaysa Koobka Waqooyiga Somaliya ee Somaliland,
 
 
Waxaana Agabkan ugu deeqay maareeyaha Haayadda Wadooyinka maamulka Siilaanyo, Waana markii u Horeysey ee Agab Isboorti la Gudooonsiiyo Kooxda Kubada cagta ee G/Sool.
Maamulka Gobolka iyo Kan Degmadda ayaa Goobjoog ka ahaa Qalabkan Maanta La gudoonsiiyey Kooxda Kubadda Cagta ee Gobolka Sool.

 

Maxamed Cismaan C/nuur.
Laascaanood.

 

webmaster@ceegaag.com