shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xafladii soo dhaweynta Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ee Dalka Malaysia (Daawo).

 

(Kuala Lampur,  May 15,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa isbuucii lasoo dhafayba aad looga dareemayey Dalka Malaysia Qabanqabada  Xaflada soo dhaweynta Madaxweyne Kuxigeenka  dowlada Puntland ee Soomaaliyeed Gen. Cabdisamad Cali Shire, Hadaba  habeenimadii xalayto wuxuu u ahaa Somalida ku nool Dalka Malaysia habeen farxad iyo rayrayn ugu soo dhamaaday maadaama ay  ku damaashaadayeen  xaflada soo dhaweynta Madaxweyne ku Xigeenka Puntalnd oo runtii aad looga sugayey inay ka qabsoonto caasimada Kuala Lampur ee Dalka Malaysia  waxana halkaa lagu soo bandhigay qaybaha kala duwan ee Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Somaliyeed oo ay soo bandhigayeen barbaarta gaashaman ee walalaha kl,  kama madhnayn heesaha  wadaniga ah iyo madadaalada iyo Ruwayado aad u xiiso galiyey kasoo qabgalayaashii  ka so xambaarsanaa    fariimo ku socda Guud ahan umada Somaliyeed iyo  Kooxaha nabad diidka ah.

                                 

Xafladan oo  u soo qaban qabiyey  masuulka qunsuliyada  Puntland ay ku leedahay Wadanka Malaysia mudane axmed shibbin ,ayaa waxaa kasoo qayb  galay dhaman qaybaha kala duwan e bulsahda somaliyed oo ay kamid yahiin ururda Ardayda Somaliada ee dalka Malaysia.  Aqoon yahanada Somaliyeed ee ku nool Dalka malaysia, Ururada Haweenka  iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan o ay kamid yahiin  xubno ka socday Dawlada Dalka Malaysia iyo Ganacsato xiisaynaysa inay Xidhidh Ganacsi dhexmaro  Puntalnd iyo Malaysia,  Xafladan  oo ka dhacaysay mid kamida Hotelada ugu caansan Dalka Malaysia  ayaa waxaa soo buux dhafiyey dadweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia.

Xafladan oo ku bilamatay jawi aad u dagan ayaa sidii caadada ahaydba waxa lagu furay ayadaha Quraanka Kariimka ah ee qawlka Eebe, inta kadibna waxaa microphone lagu lasoo dhaweyey  Qunsulka Puntland u fadhiya Dalka Malaysia oo isagu Xaflada daah furay  Mr.Ahmed Osman (Shibiin) oo halka kasoo jeediyey  Khudbadii furitanka Xafladan oo uu  kusoo dhaweynayey Madaxweyne Kuxigeenka Dawlada puntland.

                                                                                                                                                      
Mr Shibiin ayaa  si diiran usoo dhaweeyey imaanshaha Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ee Dalka Malaysia  wuxuuna aad ugu nuux nuuxsaday inay sharafweyn u tahay   in Masuulka Labad ee Puntland  uu cawa fadhiyo Xafladan  ay so qabanqaabisay   qunsuliyada Puntland ee dalka malaysia.
 
Sidoo kale waxa halkaasi khudbado kala gadisan kasoo jeediyey  Aqoonyahada Somalida Dalka Malaysia  iyo Ururada Ardayda somaliyeed ee waxka barta wadanka Malaysia, waxana kamid ahaa xubnihii  halkaasi ka hadlay madaxa Jalaaliyadda Somaliyeed ee Dalka malaysia Dr. Muuse,Proff. Abdinasir Shuuriye oo kamid ah Aqoonyahanada xafladda kasoo qayb galay, Proff. Sayid Abdulle Hassan oo isna ahaa aqoon yahanada aadka looga yaqaan Dalka Malaysia ,iyo arday ku hadlayey magaca ardayda Somaliyeed ee Dalka Malaysia Mr. Abdifatah Mohamed Musse (Miraaf).
 
Intaas kadibna waxaa  dadweyna halka kalahadlay Madaxweryne ku xigeenka Puntland  Genaral.Cabdi samed Cali Shire oo aad loo sugayey Khudbadiisa waxana hal mar  is qabsaday Hoolka xafladu ka dhacyso sawaxan iyo sacab lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha  Isla markana waxaa dhamaanba is wada tagay kasoo qayb galayashii Xafladan  oo run ahantii aad u xiisaynayey Araga iyo maqalka  Gen Cabdi samed  Ali Shire Madaxweyne ku xigeenka dowlada  puntland. 

                         

Madaxweyna oo halkaasi kasoo jeediyey Khubad dheer oo aad u qiiro galisay Bulshada Somaliyeed ee kasoo qayb galay xafladan isago ka hadlay  Tariikhda Wadanka Somalia  isagoo aad ugu dheeraaday raadka xun ee uu kureebay wadanka Somaliya   gumaystuhu  iyo  marxaladiihii uu soo maray wadanku labatankii 20 sano ee burburka lagu jiray.Isagoo shegay in burburka Somaliya  ay ka qabqateen Dawlado  shisheeye waloow ay jireen gacmo Somaliyeed oo cadowgu soo adeegsaday , Gen Cabdi samed ayaa intaa raaciyey kuwii ka qaybqaatay burburinta Qarankii Somaliyeed inay wax badan isku ciil kaamiyeen falkaasi  foosha xumaa ee burburintii Qarankii Somaliyeed isagoo sheegay hadii ay ogan lahaayeen dadkii burburshay Qaranka Umada Somaliyeed Inay sidan ku danbeynayso Xalada Dalka Somalia aysan waligood sameeyen Falkaasi foosha xun ee  lagu burbushay Qaranimadii iyo sharaftii umada Somaliyeed.

Madaxweynaha wuxuu halka kasheegay in Maamulka Puntland ku yimi  rabitanka Umada dagan Gobolada Puntalnd kadib markii  u burburay Qarankii Somaliyeed islamarkana ay diyaar u yahiin Shacab iyo Dawladba raadinta Qaranimadii Somaliyeed. Isla marna wuxuu madaxweynuhu cadeeyey inay Puntland tahay Meel ka dhaxaysa umada Somaliyeed ayna u furan tahay cidkasta oo Soomaliyeed  oo kusoo biiraysa Puntalnd waxana hadaldiisii kamid ahaa “Puntland  way ka gudubtay Qolomad tahay  waxayna u gudubtay maxad taqaan”

Ugu danbayntii  Wakiilka Dalka Malaysia U fadhiya Puntland Ahmed Osman Shibiin ayaa shahaado sharaf guddon siiyey madaxweyne ku xigeenka dowlada puntland ee soomaaliyeed ,waxayna xafladu ku so idlaatay jawi aad u qurux badan iyado ahayd xafladii ugu balaarnayd ee jaaliyada soomaliyeed ee dalka malaysia ay u dhigaan masuuul sare oo ka socda madaxda soomaalida  

Isse Ahmed Garaad Soofe

Kaula Lampur, Malaysia

 

webmaster@ceegaag.com