shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad qalinjabin ah oo dhalinyaro tababar uga socday xarunta SCERDO loogu qabtay Magaalada Edmonton.

 

(Edmonton, Alberta,  May 21,  2011 Ceegaag Online)

 

Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta hay’adda waxbarashada iyo hurumarinta reer miyiga ee  SCERDO (Somali Canadian Education and Rural Development Organization).

 

Xafaladdan oo ay ku qalin jabiyeen arday tababar uga socdey xarunta SCERDO Lixdii bilood ee tagay, ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadley Amal Issa ah gudoomiyaha dhalinyarada ee hay’adda SCERDO iyadoo u mahadcelisay dadweynhii kasoo qaybgalay xaflada isla markaana u jeedisay hadal dardaaran ah dhaliyaradii loosoo xidhay tababarka iyadoo ku adkeysay in ay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah ee ay heleen.

 

Kusimaha Gudoomiyaha guddiga fulinta ahna tababarihii dhalinyaradan Mr. Khalid Hashi oo hadal kooban ka jeediyay xaflada ayaa ardayda u sheegay farxada maanta waalidiinta la qaysaneysaa inay tahay hadba sida ay ugu hamiyaan waxkabadalka Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Edmonton.

 

Morgan Walker oo ka socotay xafiiska shaqaaleysiinta ee Dowladda Canada ayaa u mahadcelisay hay'adda SCERDO iyo ardaydii qalin jabisay iyadoo sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay  in mashruucan uu noqdo mid si guul leh ku dhamaaday.

 

 

Morgan Walker oo ka socotay Service Canada..

 

Mr. Peter Goldring, Member of Parliament for Edmonton East,t ayaa isagu ka cudurdaartay inuu ka qaybgalo xafladan laakiin shahaadooyin iyo hambalyo usoo diray ardeydii qalinjabisay iyo waliba Hay’adda SCERDO.

 

Waxaa xafladan kasoo qaybgalay dhamaan waalidiinta ardeydii qalinjabisay, sidoo kale waxaa xaflada ka qaybgalay Prof. Ali Abdi oo wax ka dhiga Jaamacada Alberta University, C/llaahi Xasan Dhooble iyo qaar ka mid ah Boardka Hay'adda SCERDO  Nadra Issa,  Iimaan Ahmed, Liban Ali, Lul Ibraahim, Mohamed Ismail iyo C/nur Saalax … sidoo kale waxaa qaybta warbaahinta ka socdey TV-ga Omni  oo ka howlgala magaalada Edmonton..

 

 Ugudanbeyntii xafladan ayaa lagudoonsiiyey ardayda shahaadooyin iyo abaalmarino.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Source: SCERDO

 

webmaster@ceegaag.com