shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaadhsiinta Dowladda Federaalka C/kariim Xasan Jaamac oo soo kormeeedhay furimaha dagaalka ee Magaalada Muqdisho.

 

(Muqdisho,  June 02,,  2011 Ceegaag Online)

Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaadhsiinta ee Dowladda federaalka KMG C/kariim Xasan Jaamac oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo kodhmeedhay goobo Gacanta looga dhigay kooxda Shabaab oo ka tirsan  degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Kormeedhkan howleed oo ay maanta lugta kusoo madheen degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ayaa meelihii ay soo booqdeen waxaa ka mid ahaa isgoyska KPP, Masjidka Sheekh Cali Suufi, xaafadda Afrikan Village, barxadda Horseed , xero ruush ,qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, fagaaraha caanka ah ee Tarabuunka, iyo goobo kale oo ay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ka saareen  Kooxda Shabaab.

Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaadhsiinta C/kariim Xasan Jaamac ayaa waxa uu warbixino ka dhageyteen saraakiisha ciidamaada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka, isagoo saxaafada kula hadlay fagaaraha Tarabuunka ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada qalabka sida guusha ay ka gaadheen dagaallada waxa uuna rajo ka muujiyay in dib loo soo celiyo bilicdii ay laheyd fagaaraha Tarabuunka maadaama ay geedo qariyeen goobihii loogu talo galay madaxda iyo laamigii ay gaadiidka ciidamadu mari jireen.

Goobihii laga saaray Kooxda Al-shabaab ayaa waxaa ka muuqday godad waaweyn oo ay ka qodeen, iyadoo ciidamada qalabka sida ay aaseen waxayna sidoo kale burbur xooggan gaadhsiiyeen dagaallada goobo muhiim ah oo ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, kormeedhkaan uu Wasiirka warfaafinta boostada iyo Isgaadhsiintu dowladda ku tagay jiida hore ee dagaalka ayaa ah mid uu ugu talogalay inay ku dhiiro geliyaan Ciidamaad qalabka sida ee Dalka Soomaaliya

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com