shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sidee loo gooyaa sixir badeeco ama adeeg

(price setting strategy)

 

(Londan,  May 20,  2011 Ceegaag Online)

Marka ganacsiga adduunka laga hadlaayo xeeladaha sixir-goyntu (pricing strategy) waa muhiim haddii la rabo in la dhiso shirkadd ama ganacsi miro dhala. Sixir-goaynta ama qiimaynta alaab ama badeeco (pricing) waxaa lagu qeexi karaa nidaamka qof ama shirkaddi ku go’aamiso waxaa soo galaya marka ay iibiyaan badeeco ama adeeg ay lahayd shirkadd ama qofba. Waxaa kale oo lagu qeexi karaa waa nidaamka ay shirkaddi u goyso sixirka badeeco ama adeeg ee ay iibinayso.

Waxaa jira sharci guud oo ay leeyihiin warshad laydu oo ah samee badeeco ama adeeg tayadiisu aad u sarayso isla markaa qiimihiisu hooseeyo adigoo shaqaalahana siinaya mushahaaro aad u fiican. Badanaa macaamiisha waxaa ay rabaan badeeco ama adeeg jaban oo tayadiisu aad u sarayso. Badeecadda ama adeega oo kor loo qaado ama hoos loo dhigaa waxaa ay noqon kartaa shirkadda oo guulaysata ama guul daraysta tusaale ahaan supermarket adduunka u weyn ee Wal-Mart waxaa uu horumarka ku gaaray waxaa uu leeyahay xeelad gaar ah oo uu qiimaha u dejisto (unique pricing strategy). sixir-goyntu waa meel u baahan in si fiican looga baaraan dego.

Nidaamka xeelada sixir-goyntu (price setting strategy) waa meelaha u baahan in ay shirkadduhu ama dadka ganacsatada ahi ay si fiican uga fekeraan inta aanay bilaabin ganacsi amaba aanay dejinin qorshaha wax iibinta (selling plan). In aad hesho nidaamka saxda ah ee qiime goyntu waa mustaqbalka sii wadida ganacsiga shirkadd amaba ganacsi yarba. Sixirka oo si xigmadaysan loo sameeyaa wuxuu saamayn weyn ku lahaanayaa tirada macaamiisha aad yeelan doonto iyo weliba faaiidada aad heli doonto.

Waxaa hadda adduunka kusoo badanaya dagaalka xaga sixirka (price war). Taas oo macnaheedu yahay in sixirka ama qiimaha badeecadda ama adeega hoos loo dhigo loollanka ka dhaxeeya shirkaddaha awgeed. Marka shirkaddi qiimihii hoos u dhigto ayay shirkaddaha kalana hoos u dhigayaan, tanina waxaa ay faaiido weyn u leedahay macaamiisha wax gadanaya waxaana ay faaiidadii ka dhintaa shirkaddaha.

Marka aad bilaabayso ganacsi cusub waa ay adag tahay in aad si sax ah u dejiso sixirka saxda ah, waa in shirkaddu samaysaa saadaal xaga iib-gaynta ah (sales forecast) waxaana loo baahan yahay in shirkaddu ka fekerto qiimaha ay macaamiishu rabto in ay wax ku gataan, qiimaha ah shirkaddaha kale wax ku gadayaan iyo kharashka galay badeecadda ama adeega. Waxaa jira 3 nidaam oo khasbaaya in aad ku xisaabtanto inta aanad sixirka badeeco ama adeeg aanad goynin:

·         Qiimaha ku salaysan kharashka la galay (cost based pricing): markaad sixirka goynayso waa in aad ku xisaabtan taa dhamaan kharashka badeecada ama adeega galay iyo xataa ka lagu wadaayo (operating cost).

·         Sixirka ku salaysan tartamayaasha (competition based pricing): markaad sixirka goynayso waxaa kale oo aad u baahan tahay in aad barbar dhigto kuwa kale ee shirkaddaha ama dukaamada loollanka kugula jira. Haddii uu sixirkaagu ka sareeyo kuwa shirkaddaha kale ee aad isku wax iibinaysaan waxaan shaki ki jirin in shirkaddaasi fashil ku dhamaan doonto.

·         Sixirka ku salaysan macaamiisha (customer based pricing): waxaa kale oo ku xukumaaya marka aad sixirka goyn’ayso baahida macaamiisha. Haddii ay badeecadda ama adeegu uu yahay wax cusub ama wax aad keligaa gadayso waxaad ka heli kartaa faaiido. Si aad macaamiil badan u hesho waa in qiimaha badeecada ama adeegu noqdaa wax jaban.

 

Qodobo muhiim ah marka aad sixirka dejinayso:

·         Waa in aad ogaataa heerka baahida suuqa.

·         Waa in aad ogaataa qiimaha ay wax ku gadayaan shirkaddaha kale ee kula tartamaya. Haddi shirkaddaha kale qiimahooda aad ka sarayso isku waxna gadaysaan waxay keeni kartaa in aad ku guul-darayasato ganacsiga. Haddiise aad keligaa suuqa ku jirto qiimihii aad doonto ayaad ku gadaysaa.

·         Waa in aad ogaataa cidda noqonaysa maacaamiisha tusaale ahaan tani waxay muhiim tahay haddi aad rabto in aad wax ka gado dad keliya dadka tujaarta ah ama dad dabaqad hoose. Haddise aad ka gadayso dadka noloshoodu hoosayso waa in aad marwalba gadaa badeeco jaban.

·         Waa in aad ogaataa tirada dadka ku nool meesha aad degan tahay si aad u ogaato cidda aad wax ka gadayso (target market).

·         Waa in aad la socotaa is rogroga dhinaca suuqa, gaar ahaan sarifka iyo sixir bararka.

·         Waa in aad si fiican u miisaantaa kharashka (cost) kaa galay badeecadda ama adeega, adigoo ku daraaya xataa kharashka ku baxaaya marketing iyo dhamaan wixii kharash ah ee la galay.

Noocyada sixir-goynta (pricing strategy):

Sixir qaali ah la gado (premium pricing):

Premium pricing waa in badeecadda ama adeega lagu gado qiimo sare si loogu dhiiri geliyo macaamiisha in ay xiiso badan u qaadaan waayo alaabta qaaliga ah badanaa waxaa loo qataa wax muhiimad weyn leh. Badanaa waxaa qaybtan lagu sameeyaa haddiiba badeecadda ama adeega aad gadaysaa uu yahay wax aad keligaa hayso. Laakiin xeelada noocan ahi ma abuurto macaamiil badan laakiin waxaa ay keentaa faaiido badan.

Sixirka is fahamsiinta (Penetration pricing):

Penetration pricing waa nidaam ama xeelad lagu dhimo sixirka badeeco ama adeeg si loo soo jiito macaamiisha si aad suuqa uga hesho qayb (share). Marka aad suuqa si fiican u gasho ee lagu barto ayaa sixirkii hadana kor loo kiciyaa. Badanaa xeeladan waxaa la isticmaalaa markaad rabto inaad suuqa macaamiil badan ka hesho ama aad rabto in aad iibiso badeeco aad u badan.

Sixirka dhaqaalaha (Economy pricing):

Waxaa looga jeedaa in la yareeyo kharashaadka ku baxaaya suuq-gaynta ama waxsoosaarka (production) si loo iibiyo badeeco badan oo jaban. Badana shirkaddu waxaa ay isku daydaa in ay dhinto qiimaha sixirka ilaa heerka ugu hooseeya, waxaana ay ku dadaashaa in ay qiimaha ka dhinto dhinaca maamulka (administrative) iyo wixii ku baxaaya dhinaca suuq-gaynta iwm.

Sixirka waqti kooban (price skimming):

sixirka noocan ah waxaa la isticmaalaa marka u horaysa ee aad soo saarto badeeco ama adeeg cusub, waxaanay xeeladani shirkadda ka caawisaa in ay shirkaddu hesho faaido soona saarto dhamaan kharashaadkii galay ka hor inta aanay soo bixin shirkaddo kale oo kula loollami karaa (competitors). Muddo kedib marka ay suuqa soo galaan tartamayaal cusub ayaa qiimaha hoos loo dhigaa. Dhibatada ay leedahay sixirka noocan ahi waa in ay soo jiidato tartamayaal cusub oo waaweyn.

Afartaa qaybood ee aynu kor kusoo sheegnay ayaa sixir-goynta gogol dhig u ah laakiin waxaa jira qaybo kale oo badan waxaana ka mid ah:

Sixirka fekerka  (psychological pricing):

Waa nidaam sixir goyn oo xiriir la leh maskaxda amaba fekerka qofka, waxaana la isticmaalaa dariiqan marka uu suuq-geeyuhu (marketer) uu rabo in macaamiishu ay si aan feker badani ku jirin ay maskaxdooda raad ugu reebto sixirkana muuqda keliya. Tusaale ahaan sida $99.9 ama $19.9.

 

Sixirka xirmo (Bundle pricing):

Bundle pricing waxaa looga jeedaa in aad isku xirto dhawr xirmo oo badeecad ah kedibna aad hal isaga wada dhigto. Badeecadaha la isku xiraayo qaar ayaa qiime gaar ah la saaraa laguna daraa qaar qiimahoodu hooseeyo. Noocan waxaa aad u isticmaala shirkaddaha softwares. Waana nidaam sidoo kale lagu iibinaayo badeecaddii hore kuugu taalay oo aad ku darayso kuwa cusub ama ayagaba aad hal isaga wada dhigayso. Waana qiime cadaynaya haddii aad xirmo iibsato qiimaha ayaa kaa yaraanaya haddii kale oo aad midmid u iibsatana qiimuhu waa kordhayaa.

Qiime-dhimid waqti kooban (promotional pricing):

Waa in muddo kooban ama xili gaar ah la dhimo sixirka badeecadda ama adeega si loo soo jiito macaamiisha. Waxaana badanaa la isticmaalaa marka ay shirkaduhu rabaan in ay badeeco cusub ay baraan dadka amaba badeeco hore laga saaro bakhaarada lagu hayo. Waxaa tusaale ahaan ka mida ah iibso hal midkalana bilaash u qaado (get one get one free).  Sixir dhimida noocan ah waxaa lagu helaa macaamiil badan iyo iyadoo badeecaddii aad dhintay (discount) mooyee ay dadku iibsanayaan waxyaalaha kale ee yaala goobta ee aanad qiime dhimida ku samaynin.

Qiime doorasho (optional pricing):

Waa nidaam sixir goyn oo ujeedadiisu tahay in macaamiisha la dooran siiyo dhawr siyaabood oo ay wax u iibsan karaan sida gaadiidka oo kale haddi aad rabto kursiga hore ama class hore ama qaybta VIP.

Lasaco casharka dambe iyo wiiga dambe haddii ALLAAH yiraahdo.

Mustafe Ibraahim

mustaf1970@hotmail.co.uk

 

webmaster@ceegaag.com